Talaado, December 18, 2007(HOL): Sida HOL ay ka heshay Ilo lagu kal soonaan karo Ciidamada Itoobiya ee Sugan Magaalada Beledweyne ayaa bilaabay dhaq-dhaqaayo ay kula soconayaan sida ay sheegeen Ciidamadu shaqsiyaad Gacan siiya Kooxaha Kacdoonka ka wada qeybo ka mid ah Gobalada dhaxe Gaar ahaan dhulka u dhaxeeya Gobalada Hiiraan iyo Gal-gaduud.
Sarkaal diiday in Magaciisa la soo xigto ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya ee Jooga qeybo ka mid ah Gobalada dhaxe bilaabeen in ay si gaar ah ula socdaan shaqsiyaad Ciidamadu ku tilmaameen in ay yihiin kuwa gacanta u fidiya Kooxaha ku sii xoogeysanaya ee Maalmihii aynu soo dhaafnay weerarada ka geystay qeybo ka mid ah Gobalada dhaxe, waxaana uu intaa ku daray Sakaalka u waramay HOL in dhawaan howl-galka Ciidamadu ku soo qab-qabanayaan Shaqsiyadka la sheegay laga bilaabi doono labada Gobal Hiiraan iyo Gal-gaduud.
“Ma’aha oo kaliya in aritu quseyneyso dadkii la shaqeyn jiray Maxkamadaha ee xitaa waxaa jira kuwo hada howsha ku soo biiray” ayuu intaa sii raaciyay Sarkaalka u waramay HOL oo intaa ku daray in Ciidamada Itoobiya ee Jooga Gobalada dhaxe howshaasi si wada jir ah uga wada shaqeyn doonaan.
Warkan ka soo baxay Ciidamada Itoobiya ayaa meesha ka saaraya warar hore oo sheegayay in Ciidamada Itoobiyaanka ee jooga qeybo ka mid ah gobalad dhaxe wadaan kulamo ay la leeyihiin Odayaasha Gobalada dhaxe si looga arinsado joo jinta Rabshadaha ka soo cusboonaaday deegaanada ku teedsan Gobalada Hiiraan iyo Gal-gaduud.
Waa markii ugu horeysay oo warkani ka soo baxo Ciidamada Itoobiya tan iyo wixii ka danbeeyay dagaaladii cus cuslaa ee ka dhacay qeybo ka mid ah Gobalada dhaxe, gaar ahaan kii ka dhacay kol hore inta u dhaxeysa Degmooyinka Matabaan iyo Gure-ceel oo ka kala tirsan Gobalada Hiiraan iyo Gal-gaduud.
Maamulada ka jira Gobalada dhaxe oo dhowr jeer oo hore siyaabo kala duwan uga hadlay aragtidiisa la xiriirta Kooxaha Kacdoonka ka wada Gobalada dhaxe ayaa u muuqda mid gacan ku siinaya cid kasta oo wax ka qaban karta sidii loo ogaan lahaa halka ay salka ku leeyihiin kooxaha Kooxaha wax weerara, lakiin ilaa hada mijiro dhicooda wax war ah oo ka soo baxaya kaasoo ku saabsan sida ay u arkaan in ay jiraan shaqsiyaad gacan taageero siiya kooxahaasi oo ku sugan Labada Gobal.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia