13.6 C
London
Monday, October 13, 2025

Labo Qoys oo ka cararayay Dagaal ka dhacay Xaafado ka tirsan Degmada Huriwaa oo uu baabi’iyay Madfac ku dhacay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, December 18, 2007(HOL): Shalay gelinkii dambe ayay ahayd markii labo qoys oo deganaa Deegaanka Al-Hidaaya ee Degmada Huriwaa, isla markaana ka cararayay waxyeellada dagaal halkaas ka qarxay uu ku dhacay madfac khasaare dhimasho iyo dhaawac leh soo gaarsiiyay.
 
Qoys ka koobnaa ka koobnaa 11 qofood ayaa wuxuu madfacaas ka dilay hooyadii, gabar 21 jir ah oo reerka u weyneyd iyo wiil isna18 jir ah oo ay dhashay, sidoo kalena wuxuu dhaawacay 6 kale oo ka mid ah Caruurtii Qoyska oo ay ugu daran tahay gabar ugu yar oo seddex sano jir ah.

Aabaha Qoyskaas oo lagu magacaabo Maxamed Cusmaan, isla markaana ka mid ah Kalkaaliyayaasha Isbitaalka SOS ayaa sheegay in Madfacaas uu labada qoys ku dhacay iyagoo hal km ka fogaaday guryahooda oo meel u dhow uu dagaal ka bilowday shalay casirkii, wuxuuna sheegay in qoyskiisa iyo qoyska kale ee la qaxayay ay dhibaato xoog leh soo gaartay.

“Waad garan kartaa sida uu yahay qoys ay dhinteen hooyadii, gabadhii curadka ahayd iyo wiilkii curad xigeenka ahaa”ayuu yiri Maxamed Cusmaan oo sheegay in uu dhibkaas soo gaaray uu qadar Alle u qaadanayo.

Qoys kale oo la qaxayay Qoyskan ayaa iyana waxaa ka dhintay labo caruur ah, halka ay afar kale ka dhaawacmeen, waa sida uu xaqiijiyay Maxamed Cusmaan oo ah Aabaha Qoyska kale ee dhibaatada xoogga leh soo gaartay.

Dhaawaca labadaas Reer ayaa haatan waxaa lagu daweynayaa Isbitaalka Keysaney ee Duleedka Magaalada Muqdisho, halkaasi oo noqotay meesha kaliya oo dadkaasi la geyn karay waayo waddooyinkii kale ee loo mari lahaa Isbitaallada kale ee Magaalada sida Isbitaalka Madiina waxay ku xirmeen dagaallo shalay ka socday qeybo ka mid ah Waddooyinka 30-ka iyo Warshadaha.

Dhanka kalena sida ay sheegayaan warar aynu ka helnay Saraakiisha Caafimaadka Isbitaallada Madiina iyo Keysaney  waxaa shalay oo kaliya la dhigay labadaas Isbitaal dad ka badan 50 ruux, kuwaasi oo dhaawacyadooda ay kala duwanaayeen.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dagaallada ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa inta badan waxay khasaare ka soo gaaraan dad rayid ah oo aan waxba galabsan, kuwaasi oo weliba u badan kuwa biri-ma-geydada ah sida caruurta, haweenka iyo waayeellada.

Halkan ka dhegeyso Hadalka Aabaha
Qoyska ay dhibaatada ku dhacday
-Horn Afrik

Aabaha Qoyska Ciddii dooneysa in ay la xiriirto waxay ka wici kartaa: 002521-62272213

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).