Talaado, December 18, 2007(HOL): Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) ayaa sheegay in caafimaadka madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed uu wanaagsan yahay, isla markaana uu mar dhow u soo amba baxayo dalka Soomaaliya.
Shiikh Aadan Madoobe oo ka hadlayay kulan ay lahaayeen Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaare Nuur Cadde ayaa sheegay in uu Madaxweynaha la soo hadlay isaga iyo Ra’iisal Wasaaraha, isla markaana uu u sheegay in uu caafimaadkiisa wanaagsan yahay, isla markaana ay u soo dhamaatay howshii baarista ahayd.
Hadalka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaanahanba ay jireen warar la isla dhexmarayay oo sheegayay in Caafimaadka Madaxweynaha uusan wanaagsaneyn.
Dhawaan ayay ahayd markii uu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo u waramayay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da uu sheegay in dhowr jeer oo hore la sheegay in uu geeriyooday balse uu weli nool yahay, isla markaana uusan jirin nin intuu qabri tegay ka soo laabtay, dabadeedna hadal saxaafadeed bixinaya.
Warka ku saabsan in uusan wanaagsaneyn caafimaadka Madaxweynaha ayaa wuxuu soo baxay kadib markii dhawaan la dhigay Madaxweynaha Isbitaal ku yaala Magaalada Nairobi, kaasi oo looga daweeyay Burukiito ku xumaatay, waa sida uu Madaxweynaha qudhiisa warfidiyeenada ugu sheegay Magaalada Nairobi.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo haatan ku sugan Isbitaalka Cromwell ee magaalada London ayaa sanadkiiba mar wuxuu halkaas u tegayaa baaris caafimaad oo uu ku sameeyo sida uu u shaqeynayo Beer lagu tallaalay toban sano ka hor.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia