Isniin, December 17, 2007(HOL): Labo ruux ayaa geeriyootay, tiro kale oo intaas ka badanna dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii maanta duhurnimadii madaafiic lagu garaacay qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya.
Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxay ku sugnaayeen gudaha iyo bannaanka maqaayad ku taala dhanka Waqooyi ee Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan nawaaxiga Daarta Maalin Taajir, halkaasi oo ah meel ay dadka aad ugu badan yihiin.
Milkilaha iska leh Maqaayaddaas ayaa sheegay in labo ka mid ah shaqaalihiisa uu mid goobta ku dhintay halka mid kale oo dhaawac ahaan loo qaadayna uu ku geeriyooday Isbitaalka Madiina, isagoo intaas ku sii daray in ay jiraan dad kale oo maqaayaddiisa bannaakeeda fadhiyay, kuwaasi oo iyana dhaawacyo fudud iyo kuwo halis ah ay soo gaareen.
Qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha ayaa la sheegay in ay sidoo kale ku dhaceen Madaafiic, inkastoo aan la soo sheegin wax khasaare ah oo ay madaafiicdaas geysteen.
Waxaa xusid mudan in marka ay Madaafiicdan Suuqa ku soo dhacayeen uu dagaal ka socday xaafado ka tirsan Degmada Hodan, gaar ahaan inta u dhaxeysa Warshaddii Caanaha iyo Isgoyska Black Sea, iyadoo dagaalkaasina uu u dhaxeeyay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.
Waa markii labaad oo Todobaad gudahiisa Madaafiic lagu garaaco Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya, iyadoo Khamiistii aynu ka soo gudubnay ay ahayd markii seddex madfac oo Suuqa lagu tuuray ay ku dhinteen dad 10 ruux ka badan, halka ku dhaawacmeen dad kale oo intaas ka badan.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ma jirto ilaa iyo haatan cid la ogyahay oo ka dambeysa madaafiicda maalmahan lagu garaacayo Suuqa Bakaaraha, marka laga reebo isku tuur-tuur ay dhinacyada Muqdisho ku dagaalamaya isku tuur-tuurayaan cidda ka dambeysa Madaafiicdaas.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia