13.6 C
London
Monday, October 13, 2025

Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland oo sheegay in la bilaabayo sahaminta Kheyraadka dalka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, December 17, 2007(HOL): Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha Somaliland Md. Qaasim Sh. Yuusuf Ibraahim ayaa sheegay in bishan aynu ku jiro ee December la bilaabi doono sahan la xidhiidha khayraada Somaliland oo dhinaca Cirka iyo Badda laga samaynayo.

Wasiirku warsaxaafadeed uu shalay soo saaray waxa uu ku sheegay in sahankan lagu baadhayo khayraadka Biyaha, Macdanta iyo Shidaalka Somaliland, isla markaana Shirkada TGS/NOPEC, oo hore Wasaaradu heshiis ugula gashay sahaminta Bada iyo Bariga Somaliland ay soo gaba-gabaysay qorshihii diyaarinta sahankaas.

 “Waxa sannadkan 2007-da bishiisii labaad ee February 2007-da suurta gashay in qayb ka mid ah Bada Somaliland laga qaado sahan shidaal, taas oo ku jirta khariidadda, dhawaana la soo saari doono, si loo adeegsado isticmaalka macluumaadka ka soo baxa dhinaca horumarinta khayraadka dabiiciga ah ee Somaliland. Waxa kale oo nasiib-wanaag ah in Shirkadda TGS/NOPEC, (Geophysical Company), oo hore heshiis Wasaaraddu kula gashay inay sahamiso khayraadka dabiiciga ah ee Bada iyo Bariga Somaliland, soo gabagabaysay qorshihii diyaarinta sahanka cirka iyo inta dhiman ee Bada Somaliland, oo ay muddo dheer ku hawlanayd.

Sahanka Cirka iyo Bada inta hadhay ee lagu baadhayo khayraadka Biyaha, Macadanta iyo Shidaalka Jamhuuriyada Somaliland wuxuu bilaamayaa inta aanay dhamaan bishan December 2007, sida ku talagalka qorshuhu yahay.” Sidaa ayaa lagu yidhi Warsaxaafadeedka wasiirka Macdanta iyo biyaha, waxana uu u soo jeediyay bulshada inay arrintaa kala shaqeeyaan wasaarada. Isaga oo Islamarkaana amaan u jeediyay ciidanka xeebaha Somaliland.
 
Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
kaariye104@hotmail.com
Hargeysa, Somaliland

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).