13.6 C
London
Monday, October 13, 2025

Suldaan Faqi Saciid Faqi oo loo caleemo saarey Suldaanka cusub ee Beesha Shangamaas ee Tunni

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, December 17, 2007(HOL): Wada tashiyo iyo wada xaajood badan kadib ayaa waxaa dhaqanka, Siyaasiyiinta, Culamaa’uddiinka , Haweenka iyo dhallinyaradaba la isla wada gartey, leyslana oggolaadey inuu Mansabkaasi buuxiyo wiilka uu adeerka u yahay ee la yiraahdo Suldaan Faqi Said Faqi.

Suldaanka cusub waxaa xilkaan loo magacaabey kadid markii uu ka helay aqlabiyad iyo taageero dhammaan dadka u dhashey beesha Tunni Shan Gamaas, Tunni Toorre ee ku nool Waddanka gudihiisa iyo dibadiisa.

SULDAAN FAQI SAID FAQI waxaa lagu yaqaana fir fircooni, karti dheeraad ah, iyo asluub wanaag isagoo ku dheer xiriirinta bulsho-weynta uu Suldaanka ka yahay iyo tan guud ee Soomaaliyeed.

Suldaan FAQI SAID FAQI waxaan ugu duceynayaa inuu ILAAHEY u sahlo una fududeeyo gudashada howshan adag si waafaqsan Diinta Islaamka, Qawaaniinta iyo Shuruucda Dalka, xeerarka Dhaqanka Suuban, Caadoyinka suuban ee Beesha iyo Dalkaba.

Suldaan  Awiisa                               Suldaan Tunni Cumar                      Suldaan Fiqi

Hiiraan Online News Desk

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).