13.6 C
London
Monday, October 13, 2025

Iska hor-imaadyo ka socda qeybo ka mid ah Wadada 30-ka ee Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, December 17, 2007(HOL): Iska hor-imaad hubeysan oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda  ayaa goor dhaweyd waxaa uu ka bilowday qeybo ka mid ah Wadada 30-ka ee Magaalada Muqdisho.
 
Iska hor-imaadkan oo la isugu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa uu ka socdaa Xaafadaha Al-Baraka, NBC, Black Sea iyo Kaasa-bolbollaare, iyadoo mararka qaarkoodna la maqlayo Qoriga Lidka Diyaaradaha ee ay Soomaalida u taqaano ZUU-ga.

Ciidamada Dowladda ee dagaalamaya ayaa la sheegay in ay yihiin kuwo dhawaan tababar ku soo qaatay gudaha dalka Itoobiya, kuwaasi oo fariisin ka sameystay Xaruntii Saraakiisha Ciidamada ee Shiirkole.

Lama sheegin ilaa iyo haatan khasaare ka dhashay iska hor-imaadkan oo ah mid xooggan, waxaana taas ugu wacan iyadoo xaafadaha lagu dagaalamayo ay horay uga barakaceen dadkii deganaa.

Dhanka kalena, iska hor-imaad kale oo hubeysan ayaa isna wuxuu saaka ka dhacay xaafado ka tirsan Degmada Huriwaa, iyadoo iska hor-imaadkaas uu u dhaxeeyay Ciidamada Itoobiyaanka ah ee degan Xarunta Warshaddii Baastada iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, waxaana intii uu socday iska hor-imaadkan la isugu adeegsaday madaafiic hoobiyayaal ah oo qaarkood ay ku dhaceen Deegaanka Suuqa Xoolaha.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).