Isniin, December 17, 2007(HOL): Dowladda Uganda ayaa shaaca ka qaaday in ay bedeleyso Ciidamadeeda ku sugan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, isla markaana ay ciidamo kale oo cusub ay geyneyso Muqdisho.
1,500 oo Askari oo ka tirsan Ciidamada Uganda ayaa la filayaa in ay Bishan u duulaan Soomaaliya, si ay uga qeyb-qaataan howlaha nabad-ilaalinta ah ee ay Ciidamada Midowga Afrika ka wadaan Soomaaliya.
Afhayeen u hadlay Ciidamada Uganda oo lagu magacaabo Maj. Felix Kulayigye ayaa sheegay in Ciidamadaas ay bedelayaan Ciidamo horay uga joogay Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo howlo nabad ilaalin ah ka bilaabay Magaalaa Muqdisho bishii Maarso ee sanadkan.
Ciidamada cusub ee ay Uganda u direyso Soomaaliya ayaa waxay yihiin kuwo ay soo tababareen macalimiin u dhashay Dalka Faransiiska, iyadoo horayna ay Dowladda Uganda u sheegtay in ay Ciidamadan oo la soo baray Luuqadda Faransiiska ay turjumaan u noqon doonaan Ciidamada ka socda Dowladda Burundi oo dhawaan imaan doona Dalka Soomaaliya.
Dowladda Uganda waxaa horay uga joogay Magaalada Muqdisho Ciidamo tiradooda gaareyso 1,600 oo Askari, kuwaasi oo kaliya sugi jiray Ammaanka Dekedda iyo Garoonka Muqdisho iyo weliba Isgoyska KM4, inkastoo ay howlo gargaar bani’aadannimo ah u sameeyeen Dadka Muqdisho qaarkood.
Ciidamo kale oo ka socda Midowga Afrika, gaar ahaana Dalalka Burundi, Ghana iyo Nigeria ayaa la filayaa in ay iyana Soomaaliya soo gaaraan, waa sida uu sheegay Ergayga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Mr. Nicolas Bowakira, kaasi oo dhawaan booqasho ku tegay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia