13.6 C
London
Monday, October 13, 2025

Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo soo dhisaya Xukuumad kale oo ka tayo badan tii uu horay u soo dhisay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, December 16, 2007(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa u sheegay xubnaha Xukuumaddii uu dhawaan soo dhisay in uu soo dhisayo Xukuumad kale oo sida uu yiri tayo leh, isla markaana laga wada qeybgelayo.
 
Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo xubnaha Xukuumaddii uu soo dhisay la qaatay shir socday muddo shan saacadood ah ayaa kadib kulankaas wuxuu wariyayaasha ugu sheegay Magaalada Baydhabo in uu soo dhisi doono Xukuumad 50% ka imaan doonta Baarlamaanka Dibaddiisa, isagoo caddeeyay in uu go’aankaas qaatay kadib markii ay dhaliilo uga yimaadeen qaar ka mid ah Xubnihii uu magacaabay, sidoo kalena uu talooyin ka helay Baarlamaanka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay in uu ku qanciyay Xubnihii uu horay u magacaabay in uu dib ugu noqdo soo dhisidda Xukuumaddii uu soo magacaabay ee uusan weli Baarlamaanka ansixin, kuwaasi oo  sida uu yiri sacab ku ayiday go’aankii uu qaatay.

Xukuumaddii hore ee uu soo dhisay Ra’iisal Wasaaraha oo ka koobneyd 73 Wasiir ayaa waxaa lagu dhaliilay in ay tiro badan tahay, isla markaana aysan wax badan ka duwaneyn Xukuumaddii uu madaxda ka ahaa Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi.
 
Sidoo kalena, waxaa jiray Wasiirro ka tirsanaa Xukuumadii uu soo dhisay Ra’iisal Wasaaraha, kuwaasi oo soo qadimay is-casilaaddooda, kadib markii sida ay yiraahdeen ay u cuntami waayeen Beelahooda Xilalka loo magacaabay.
 
Ugu dambeyntiina, maalmaha soo socda ayaa la filayaa in uu Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ku dhawaaqo Xukuumad kale oo ay ku qancaan Beelaha Soomaaliyeed iyo Beelaha Caalamka oo iyadu dhaqaale ku taageerta Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gadaal marisay seddex sano oo ka mid ah shantii sano ee loo asteeyay inay ka taliso Dalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).