13.6 C
London
Monday, October 13, 2025

Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Nabad-sugidda Kismaayo oo ay kooxo hubeysan meel fagaare ah ku toogteen

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, December 16, 2007(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay sheegayaan in saaka barqadii halkaas lagu toogtay Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Nabad-sugidda Magaaladaas.
 
Sarkaalkan la toogtay oo lagu magacaabi jiray Col Mukhtaar Cabdi Axmed (Mukhtaar Dheere) ayaa wuxuu ahaa Taliye ku xigeenka Ciidanka Nabad-sugidda Magaalada Kismaayo, waxaana toogtay labo dhalinyaro ah oo Bastoolado ku hubeysnaa.
 
Goob-joogayaal arkayay markii marxuumka la tooganayay ayaa waxay sheegeen in uu rasaas ku furay mid ka mid ah labo dhalinyaro ah oo wada socday, iyadoo kadibna ay baxsadeen.
 
Dilka loo geystay Sarkaalkan oo ka dhacay Xaafadda Dalcadda ee Magaalada Kismaayo, ayaa waxaa si weyn uga xumaaday dadka Magaalada Kismaayo, gaar ahaan kuwii arkayay sida marxuumka loo dilay, iyadoo markii dilkaas uu dhacay kadibna albaabada loo laabay goobo ganacsi oo ku  yaala Suuqa Dalcadda ee magaalada Ksimaayo.
 
Taliyaha Saldhigga Booliska Magaalada Kismaayo Col. Ibraahim Khaliif Shan-fool ayaa sheegay in ay ku raad-joogaan kooxihii ka dambeeyay dilka sarkaalka, wuxuuna carrabka ku dhuftay inay rajo ka qabaan in ay isla maanta gacanta ku soo dhigaan.
 
Lama garanayo ilaa iyo haatan sababta rasmiga ah ee loo dilay marxuumka, waxaana jira warar is-barbar yaacaya oo qaarkood ay sheegayaan in ay dileen kooxo ka soo horjeeda Ciidamada ku sugan Magaalada Kismaayo, halka warar kalena ay sheegayaan in loo dilay aano qabiil.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, dilka loo geystay Sarkaalka ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo magaalada Kismaayo ay ku jirtay heegan sare oo la geliyay shalay kadib markii ay Saraakiisha Magaalada gacanta ku heysa ay soo gaareen warar sheegaya in ay weerar ku soo yihiin xoogag ku sugan deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe, kuwaasi oo loo maleeyay in ay ka tirsan yihiin Ciidamada Maxkamadihii Islaamka ee ka talin jiray Gobollada Jubbooyinka.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).