Axad, December 16, 2007(HOL): Kulan ballaaran oo ay isugu yimaadeen odayaasha dhaqanka gobolka Gedo oo lagu dhameynayo mad-madowga iyo khilaafka ku kala dhex jira dad ku dhaqan deegaankaas ayaa si habsami leh uga socda degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.
Kulankan nabadeynta ah oo ay soo qabanqaabisay Hay-ada CRD ayaa waxaa ka qayb qaadanaya ku dhawaad 100-Odayaal dhaqameedyo ah oo ka kala yimid dhaaamaan degmooyinka gobolka Gedo, waxaana munaasabadda furitaanka xarigga ka jaray gudoomiyaha degmada ahna duqa magaalada Mudane Maxamed C/laahi Xaashi kaasi oo ugu baaqay odayaasha dhaqanka in ay ka faa’iideystaan fursadda nabadeynta oo ay ku xaliyaan khilaafka dhexdooda ah, islamarkaana ka shaqeeyaan xasiloonida deegaanka gobolka .
U qeybsanaha Hay-adda C.R.D ee Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo Mudane Faarax Cabdi Xasan oo furitaankii kulankaas ka hadlay ayaa sheegay in qeybta hore barnaamijkan Nabadeynta uu socon doono muddo 10 cisho ah, waxaana ay odayaashu ku baran doonaan xalinta khilaafaadka, samaynta xeer hoosaad saldhig u noqon kara in ay nabad ka hirgeliso gobolka iyo deegaanada deriska la ah,isla arkaana ay horumariyaan xeerka ay iyaga dhexdooda ku heshiiyaan iyo in ay baadigoobaan hannaanka nabad kula noolaanshaha beelaha ku nool gobolka iyo deegaanada deriska la ah.
Mudane Faarax Cabdi Xasan oo ka jawaabayay su’aal ay saxaafadu ka weydiisay in ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay ka warqabto iyo in kale ayaa sheegay in uu jiray ogolaansho hore oo ay Hay’addu ka haysatay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Waa markii ugu horaysay oo ay Hay’adda ka bilaawdo gobolka Gedo howshan isugu jirta dib u heshiisiinta iyo nabadeynta. Hay;adda CRD ayaa horey howl isugu jira dib u heshiisiin, nabadeyn iyo maamul u samayn ah ka soo qabatay Gobolada Dhexe, Bay iyo Bakool, kuwaasi oo dhamaantood ahaa kuwo ay ku guuleysatay.
Ismaaciil Xasan Ibraahim
smaelfarhan@yahoo.com
Baydhabo, Somalia