Axad, December 16, 2007(HOL): Subaxnimadii saaka ayaa waxaa qarax xooggan lala beegsaday gaadiid ay la socdeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo marayay Wadada Makka Al-Mukarama, gaar ahaan halka ay iska gooyaan Waddooyinka Via Liberia iyo Makka Al-Mukarama.
Qaraxan oo ahaa mid xooggan, isla markaana loo adeegsaday Miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago ayaa waxaa la sheegay inay khasaare ka soo gaartay Gaari Ural ah oo ay wateen Ciidamada Itoobiya, iyadoo ay ka badbaaday Booyad gaarigaas hor-socotay oo gudubtay intii uusan qaraxa dhicin.
Markii qaraxa uu dhacay kadib ayaa waxaa goobtaas gaaray dhowr gaari oo Ural ah oo ay saarnaayeen Ciidamo tiro badan oo Itoobiyaan ah, kuwaasi oo ka tegay Xaruntii golaha Shacabka iyo Villa Somalia, waxaana la arkayay iyadoo ay Ciidamadaas baaritaanno ku sameynayeen guryaha u dhow halka uu qaraxa ka dhacay.
Dad badan oo ku sugnaa guryo ku yaala nawaaaxiga halka uu qaraxa ka dhacay ayaa guryahooda isaga cararay kadib markii ay arkeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo u socda dhanka guryahooda, iyadoo ay xusid mudan tahay in dadkaas cararayay ay u badnaayeen dhalinyaro.
Dhanka kalena, qarax loo adeegsaday Bambooyinka gacanta laga tuuro ayaa waxaa lagu weeraray Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo marayay xaafadda Buulo Xuubey ee Degmada Madiina, iyadoo qaraxaasina uu geystay waxyeello soo gaartay dad rayid ah oo marayay meel u dhow halka uu qaraxa ka dhacay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia