15.7 C
London
Monday, October 13, 2025

Shiikh Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) oo sheegay in Madaafiicdii lagu garaacay Suuqa Bakaaraha ay ka dambeeyeen Ciidamada Itoobiya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, December 16, 2007(HOL): Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa sheegay in madaafiic dhawaan lagu tuuray Suuqa Bakaaraha, isla markaana ay dad badan ku dhinteen ay ka dambeeyeen Ciidamada Itoobiya ee Muqdisho ku sugan.
 
Shiikh Mukhtaar Roobow waxaa uu sheegay in aysan waxba ka jirin hadal ay sii deysay Wasaaradda Warfaafinta Itoobiya, kaasi oo sheegayay in madaafiicdii lagu tuuray Suuqa Bakaaraha ay ka dambeeyeen kooxaha dagaalka kala soo horjeeda Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya, wuxuuna sheegay in la xaqiijiyay in ay madaafiicdaas soo tuureen Ciidamada Itoobiya.

“Madaafiicda lagu tuuray Suuqa Bakaaraha waxaa ay ahaayeen kuwo ay soo tuureen Ciidamada Itoobiya, waxaana taas u daliil ah madaafiicda meesha ku dhacday waxay ahaayeen kuwo Taangiyada, Soomaalida Taangiyo ma heystaan”ayuu yiri Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho.

Shiikh Mukhtaar Roobow oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in ay madaafiicdaas Suuqa ku hoggaamiyaan sida uu u yiri kooxaha cadawga u adeegaya, kuwaasi oo uu sheegay in ay ku sugan yihiin gudaha Suuqa Bakaaraha.

Horayna Mas’uuliyiin u hadlay Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo kala ah Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) iyo La-Taliyaha Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Bereket Simon ayaa waxay beeniyeen in madaafiicdii lagu tuuray Suuqa Bakaarah ay ka dambeeyeen Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya, waxayna sheegeen in aysan jirin sabab kalifeysa in ay bartilmaameedsadaan Suuq ay Dad Rayid ah ku sugan yihiin.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Madaafiicda lagu tuuray Suuqa Bakaaraha oo seddex ahaa ayaa waxay geysteen dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Dad Rayid ah oo aad u faro badan, kuwaasi oo isugu jiray kuwo ku sugnaa goobahooda ganacsiga iyo kuwo kale oo ku sheekeysanayay meel shaah laga cabo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).