15.7 C
London
Monday, October 13, 2025

Nin Rayid ah iyo Nin ku labistaa Dharka Ciidamada oo xalay lagu dilay Degmada Shibis ee Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, December 16, 2007(HOL): Labo nin oo mid uu rayid ahaa iyo nin kale oo ku labisnaa dharka Ciidamada Dowladda Federaalka balse ciidannimadiisa shaki laga muujiyay ayaa xalay lagu dilay xaafado ka tirsan Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir.
 
Ninka Rayidka ah oo la sheegay in uu ka tirsanaa rag maamula Jiko ku taala Degmada Boondheere oo  raashin loogu kariyo dad soo barakacay oo Muqdisho ku sugan ayaa waxaa toogtay kooxo bastoolado ku hubeysnaa, kuwaasi oo markii ay dilka geysteen kadib baxsaday

Sidoo kalena, nin ku labisnaa dharka ciidamda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa isna lagu dilay Xaafadda Maana-boolyo ee degmada Shibis, waxaana ilaa iyo haatan dilka ninkaas ka soo baxaya warar kala duwan, iyadoo wararka qaarkood ay sheegayaan in ay dileen rag la socday, halka warar kalena ay sheegayaan in ay toogteen kooxaha ka soo horjeeda dowladda federaalka.

Goobaha ay dilalkaas ka dhaceen ee Degmada Shibis ayaa waxaa xalay ilaa iyo saaka ku sugan Ciidamada Booliska Degmada Shibis, kuwaasi oo baaris ku haya xaafadaha u dhow halka uu dilka ka dhacay.

Dilka loo geystay labadan nin ayaa waxay qeyb ka yihiin dilal muddooyinkan dambe ka dhacayay Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo lagu bartilmaameedsado dadka la shaqeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, inkastoo ay dhacaan dilal ay isugu geysanayaan dad ay aanooyin hore ka dhaxeeyeen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).