15.7 C
London
Monday, October 13, 2025

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in uu Nairobi kula soo kulmay Rag ka tirsan Mucaaradka Dowladda Federaalka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, December 15, 2007(HOL): Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) oo maanta warbixin siinayay Mudanayaasha Baarlamaanka kadib safarro uu ku soo kala bixiyay dalalka Itoobiya iyo Kenya oo uu shirar uga soo qeybgalay ayaa sheegay intii uu ku sugnaa magaalada Nairobi ay kulan yeesheen rag ka tirsan Mucaaradka Dowladda Federaalka Soomaaliya.
 
Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaa uu sheegay in Ragga ay is-arkeen ee ka tirsan Mucaaradka Dowladda ay ka wada hadleen sidii lagu heli lahaa jawi saamaxaya in ay wada hadallo dhexmaraan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kooxaha ka soo horjeeda ee ku jira Isbaheysigii lagu dhisay Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea.

“Raggii aan is-aragnay markii ay arrintaas ii soo jeediyeen anigana waxaan u sheegay in aan la qabo in la wada hadlo oo aysan Soomaalida kala maarmin, balse ay marka hore lagama maarmaan tahay in aan arrintaas Baarlamaanka hor-geeyo”ayuu yiir Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo aan sheegin magacyada Ragga ay Nairobi isku arkeen.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in ay Raggaas u sheegeen in ay kala joogaan Magaalooyinka Asmara, Jabuuti iyo gudaha Soomaaliya, sidaas darteedna ay daneynayaan in xaaladda Soomaaliya laga wada hadlo, si dhibaatada ka jirta ay u soo af-jaranto.

Mar uu ka hadlayay Guddoomiyaha Baarlamaanka shirar Heer Baarlamaan ahaa oo uu magaalada Addis Ababa uga soo qeybgalay waxaa uu sheegay in si weyn loo soo dhaweeyay qaabka uu howlihiisa u wato Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo xusay in si gaar ah loogu hambaleeyay Mudanayaasha Baarlamaanka go’aankii ay dhawaan ku gaareen in Xubnaha gelaya Xukuumadda laga keeni karo gudaha iyo dibadda Baarlamaanka.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay si weyn u soo dhaweeyeen kulanka dhexmaray Afhayeenka Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe iyo Ragga ka tirsan Mucaaradka Dowladda, waxaana markii uu hadalkaas jeedinayay Guddoomiyaha la dareemayay sida ay Mudanayaasha u daneynayaan in uu wada hadal dhexmaro Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mucaaradka ka soo horjeeda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).