15.7 C
London
Monday, October 13, 2025

Magaalada Kismaayo oo heegan la geliyay kadib markii la helay warar sheegaya in la soo weerarayo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, December 15, 2007(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay sheegayaan in Ciidamada gacanta ku haya magaaldaas la geliyay heegan sare oo lagu adkeynayo gacan ku heynta magaaladaas.
 
Ciidamo aad u tiro badan ayaa lagu arkayaa gudaha magaalada, kuwaasi oo oo gaaf wareegaya Xaafadaha Magaalada Kismaayo, iyadoo dadka ku dhaqan magaaladana ay dareemayaan heeganka ay Ciidamada ku jiraan.

Afhayeen u hadlay Ciidamada gacanta ku haya magaalada Kismaayo oo lagu magacaabo C/risaaq Aadan Suufi ayaa wuxuu sheegay in Ciidamada heeganka la geliyay kadib markii ay soo gaareen warar sheegaya in deegaano ka tirsan Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe ay ku sugan yihiin Ciidamo loo maleynayo in ay ka tirsanaayeen Maxkamadihii Islaamka.

Afhayeenka waxaa kale oo uu sheegay in ay deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ay ku sugan yihiin kooxo burcad ah oo doonayay in ay xumeeyaan ammaanka gobolka, wuxuuna caddeeyay inay kooxahaas gacan bir ah ku qaban doonaan.

Dadka ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa haatan waxay muujinayaan cabsi ay ka qabaan in ciidamada la sheegayo in ay ku sugan yihiin deegaanada Gobolka Jubbada Dhexe ay weerar ku soo qaadaan, isla markaana ay halkaas dhibaato ka soo gaarto.

Yaa gacanta ku haya Kismaayo?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo dhawaan u waramayay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da ayaa wuxuu sheegay in magaalada Kismaayo aysan ka talin Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay ka taliyaan Qabaa’illo aysan dooneynin Dowladda Federaalka in ay la dagaasho.

Laakin hadalkaas madaxweynaha waxaa ka jawaabay mas’uuliyiin uu ka mid yahay Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Jubbada Hoose Axmed Cabdi (Axmed Sandheere), kaasi oo sheegay in maamulka hadda ka taliya magaalada Kismaayo uu yahay mid uu madaxweynaha wareegto ku magacaabay, isal markaana uu fajac ku abuuray hadalka madaxweynaha ee ahaa in aysan Magaalada Kismaayo ka talin Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).