15.7 C
London
Monday, October 13, 2025

Dad ka soo barakacay Dagaallada Muqdisho oo eedeyn u jeedinaya Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Hay’adaha Samafalka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, December 15, 2007(HOL): Gobalka Hiiraan waxaa uu ka mid yahay Gobalada ay sida weyn u soo buux dhaafiyeen dadka ka soo baxsanaya Dagaalada aan dhamaadka laheyn ee ka socda Magaalada Muqdihso kuwaasoo badan Caruur iyo haween.
 
Dadkan intooda badan waxaa ay ku nool yihiin xireyo laga dhax dhisay Guryo Cooshado ka sameysan kuwaasoo marka aad muuqaal ahaan eegto aan awood badan u leheyn in ay ka difaacaan Qoysaska ku hoos nool Kuleylka daran ee Maalintii iyo Qabowga habeenkii soo dhaca.
 
Subixii marka uu waagu baryo ayeey dadkani intooda xooga leh waxaa ku soo jarmaadaan Gudaha Magaalada Beledweyne si ay uga dhacsadaan nolal Maalmeedkooda Caadiga ah maadaama aysan jirin shaqooyin gaar ah oo ay meel ku og-yihiin.
 
Mid ka mid ah dadka soo barakacay oo ay HOL kula kulantay gudaha Magaalada Beledweyne ayaa sheegay in uu siweyn uga xun yahay ka warqabid la’aanta dhinaca Maamulka iyo hay’adaha Samafalka Gobalka Hiiraan Isaga oo intaa ku daray  “Runtii intii aan ku noolaa Magaalada Muqdisho maalin kama aan fikirin wixii aan cuni lahaa, lakiin hada wal wal badan ayaan ka qabaan nolasheyda caadiga ah marka xitaa meel layska dhigo tan Reerka aan Mas’uulka ka ahay, Waayo ma’heysto dhaqaale aan ku noolaado, sidoo kale ma’heysto shaqo aan nolasheyda ka soo saarto, kamana aqaan magaalada cid gacan iga siisa nolasha aan ku jiro.
 
Dadka Soo barakacay ayaa qaar ka mid ah kuu sheegaya in maalin kasta xeryaha ay ku nool yihiin ay soo gaaraan Mas’uul ka tirsan Hay’adaha Samafalka oo kormeer ah kuwaasoo marka ay ku soo wareegaan goobaha dadkani degan yihiin u sheega in maalmaha soo socda la soo gaarisiin doono kaalmo deg deg,  lakiin maalitii loo balan sanaa in kaalmada  la helo hada kormeerku halkiisii ka bilaawdo.
 
NIn dhalin yaro ah oo ka mid ah dadka soo barakacay ayaa yiri “” Waxaan u maleynayaa marka Mas’uuliyiinta hay’aduhu ku soo daalaan xafiisyadooda waxaa ay luga baxsi u yimaadaan xeryaha aan quruxda badneyn ee hoyga u ah dadka soo barakacay, Isaga oo intaa sii raaciyay in kormeer joogta ah laga wanaagsan yahay.
 
Cabashada dadka soo barakacay ee ku sugan Gobalka Hiiraan ayaa xitaan saameyn buuxda waxaa ay ku yeesheen Duqeyda Deegaanada dadkani degan yihiin kuwaasoo hada bilaabay in ay kala hadlaan dhinaca maamulka sidii wax looga qaban lahaa xaalada Nolaleed ee dadka soo barakacay.
 
Xeryaha Qaar ayaa hada la soo sheegayaa in uu ka bilaawday cudurka shubanka oo soo ridanayo curuuta dadka soo barakacay taasoo sabab looga dhigayo Nafaqo daro la soo darista caruurta iyo camilada ay ku loo yihiin oo ah mid aad u kulul mar hadii aysan heysan gabaad fiican oo ay ka galaan kuleylka Qoraxda.
 
Deegaanada hoos yimaada degmooyinka Beleweyne, Buula-burte, Matabaan iyo Jalalaqsi oo ah meelaha ugu badan ee dadku ku dhibaateysan yahay ayaa wali waxaa soo gaaraya dadka ka soo baxsanaya dirirta ka socta Magaalada Muqdisho kuwaasoo laga yaabo in ay xaalada uga sii daraan mar hadii ay quus taagan yihiin kuwii iyaga uga soo horeeyay.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).