16 C
London
Monday, October 13, 2025

Wasaaradda Warfaafinta Itoobiya oo sheegtay in dagaallo ka dhacay Muqdisho lagu dilay dagaalyahanno ka tirsanaa Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, December 15, 2007(HOL): Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in dagaallo ka dhacay magaalada Muqdisho ay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ku dileen kooxo dagaal kala soo horjeeday oo tiradooda gaareyso 75 ruux.
 
Warka ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Itoobiya ayaa sidoo kale lagu sheegay in Mileteriga Itoobiya ee Muqdisho ay sheegeen in dagaal Khamiistii lagu qaaday Unugyo ka tirsan Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab lagu dilay 75 dagaalyahan, sidoo kalena kuwo kale gacanta lagu dhigay.

Warkaas ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Itoobiya oo qoraal ahaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in ay ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda Federaalka ay qabteen afar dagaalyahan oo Al-Shabaab ka tirsan, sidoo kalena dagaalkaas lagu qabtay shan gaari oo isugu jiray kuwo dagaal iyo kuwo kale.

Sida Warkaas ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Itoobiya uu sheegayana Madaafiic lagu garaacay Suuqa Bakaaraha oo ay ku dhinteen dad tiro badan oo goobahooda ganacsi iska joogay ayaa waxaa ka dambeeyay kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Marka laga soo tago sheegashada Ciidamada Itoobiya ee ah in ay dileen dagaalyahanno ka tirsanaa Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ilaa iyo haatan ma jirto cid caddeysay jiritaanka warkaas.

Hadalkan ka soo yeeray Wasaaradda Warfaafinta Itoobiya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo labadii maalmood ee aynu ka soo gudubnay uu xaafado ka tirsan Degmooyinka Yaaqshiid iyo Dayniile uu ka dhacay dagaal xooggan oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).