16 C
London
Monday, October 13, 2025

Qarax Xooggan oo saaka ka dhacay Xaafadda Isha ee magaalada Baydhabo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, December 15, 2007(HOL): Qarax aad u xooggan ayaa wuxuu goor dhaweyd ka dhacay Magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Gobolka Bay, kaasi oo lala beegsaday Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jiray.
 
Qaraxan oo laga maqlayay gudaha Magaalada Baydhabo ayaa wuxuu ka dhacay xaafadda Isha Baydhabo, halkaas oo ay ku sugnaayeen Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jiray, kuwaasi oo sugayay ammaanka waddo halkaas marta oo tagta xarunta madaxtooyada Baydhabo iyo weliba Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa Miino dhulka lagu aasay ayaan ilaa iyo hataan la ogeyn khasaaraha uu geystay, waxaana taas ugu wacnaa iyadoo ay goobta isku gadaameen Ciidamadii ku sugnaa Hareeraha Wadada dhexmarta xaafadda Isha Baydhabo, kuwaasi oo weliba dhinac kasta rasaas u riday.

Sida uu HOL u sheegay Wariye ku sugan Magaalada Baydhabo qaraxan ayaa wuxuu ku soo beegmay xili ay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay isu diyaarinayeen in ay gaaraan Xaruntooda KMG ah ee ADC-da, si ay halkaas ugu yeeshaan kulan ka mid ah Fadhiyadooda caadiga ah.

Dhawaan ayay ahayd markii Gaadiid ay la socdeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo marayay agagaarka Buundada Isha Baydhabo lagu qarxiyay Miino dhulka lagu aasay, inkatsoo aan la sheegin khasaare Ciidamada Itoobiyaanka ka soo gaaray qaraxaas.

Ugu dambeyntiina, Xaaladda Ammaan ee Magaalada Baydhabo ayaa muddooyinkan waxay ahayd mid aan hagaagsaneyn, waxaana ku soo badanayay qaraxyo lala beegsanayo Ciidamada Itoobiya iyo dilal loo geysnayo saraakiisha Ciidamada, iyadoo weliba magaalada ay ku sugan yihiin Ciidamo badan oo Soomaali iyo Itoobiyaan ah.

Qarax kale oo Baydhabo ka dhacay

Warar kale oo naga soo gaaray magaalada Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in gaari ay la socdeen ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya qarax lala beegsaday, halkaasina ay waxyeello ka soo gaartay Ciidamadii gaariga saarnaa. Qaraxan oo ah kii labaad oo saacado gudahood ka dhaca Magaalada Baydhabo ayaan laga heynin faah faahin dheeraad ah, hayeeshee wixii ku soo kordha waxaan idinkula socodsiin doonnaa wararkeena dambe haddii Alle idmo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).