Khamiis, December 13, 2007(HOL): 11 ruux oo Rayid ah ayaa geeriyooday, in ka badan 15 ruux oo kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii ay maanta qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha ku dhaceen madaafiic hoobiyayaal ah oo aan ilaa iyo haatan la ogeyn halka laga soo tuuray.
11-ka ruux ee geeriyooday ayaa waxay isugu jireen kuwo ku sugnaa Bakhaar ku yaala dhabarka dambe ee Shirkadaha Isgaarsiinta iyo kuwo kale oo Agagaarka Bakhaarkaas ku dejinayay Fuustooyin ay Saliid ku jirtay, iyadoo ay jireen dad kale oo halkaas ku dhaawacmay.
Madfac kale oo ku dhacay meel Shaah laga cabo ayaa waxaa uu geystay dhaawaca dad kale oo aad u badan, kuwaasi oo qaarkood goobta laga qaaday dhaawacooda, halka kuwo kalena ay dhaawacooda la carareen iyagoo uu dhiig ka qubanayay.
Wax yar kadib ayaa Madfac kale waxaa uu ku dhacay nawaaxiga Suuq-yaraha Sarifka ee Suuqa Bakaaraha, iyadoo halkaasina uu ku dhaawacay labo Ruux oo marayay Waddo halkaas ku taala.
Madaaficidan oo aan la ogeyn meel laga soo tuuray ayaa waxay gebi ahaanba Suuqa Bakaaraha ka dhigeen mid lagu kala cararay, iyadoo la arkayay dad badan oo Suuqa ka baxaya, kuwaasi oo ka cabsi qaba in ay Suuqa ku soo dhacaan madaafiic kale.
Sidoo kalena gudaha Suuqa Bakaaraha waxaa ka dhacay ilaa shan Qarax oo loo adeegsaday Bambooyinka gacanta laga tuuro, kuwaasi oo aan ilaa iyo haatan la soo sheegin cid wax ku noqotay.
Dhanka kalena dagaal ka dhacay inta u dhaxeysa Isbitaalka Al-Carafaat iyo Xarunta Shirkadda Coca Cola ee Wadada Warshadaha ayaa wararka ka soo baxaya waxay sheegayaan in uu dagaalkaas geystay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dhinacyadii dagaalamayay halka ay sidoo kale jiraan dad rayid ah oo ay waxyeeshay rasaas iyo madaafiic ay isu adeegsadeen dhinacyada uu dagaalka u dhaxeeyay.
Dagaalka ayaa wuxuu qarxay sida ay dadka deegaankaas ku dhaqan ay sheegayaan kadib markii ay halkaas tageen Ciidamo Itoobiyaan ah oo doonayay in ay howlgallo sameeyaan, iyadoo kadibna ay weerar kala kulmeen kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda joogitaankooda dalka Soomaaliya.
Sidoo kalena Dagaal aan waqti badan socon oo ka dhacay agagaarka Isgoysyada Black Sea iyo Al-Baraka ayaa wuxuu geystay dhimashada Haweeney Da’ ah iyo weliba dhaawac soo gaaray wiil dhalinyaro oo ay haleeshay rasaas beydad ah, halka ay jiraan warar kale oo sheegaya in ay dhaawacyo soo gaareen dhinacyadii halkaas isku faro saaray.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia