Khamiis, December 13, 2007(HOL): Labo Madfac oo loo maleeyay in ay yihiin hoobiyayaal ayaa ku dhacay Gudaha Suuqa Bakaaraha, waxayna geysteen khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo soo gaaray dad rayid ah kuwaasi oo ku sugnaa meel shaaha lagu cabo oo ku taala dhabarka dambe ee Xarumaha Shirkadaha Isgaarsiinta.
Goob-jooge ku sugan halka ay Madaafiicda ku dhaceen ayaa wuxuu HOL u sheegay in uu arkay dad tiro badan oo is-dul saaran, kuwaasi oo uu ula muuqday in ay dhinteen, halka uu sidoo kale arkay dad dhaawac ah oo iyana yaala halka uu madfaca ku dhacay.
Madaaficidan oo aan la ogeyn meel laga soo tuuray ayaa waxay gebi ahaanba Suuqa Bakaaraha ka dhigeen mid lagu kala cararay, iyadoo la arkayay dad badan oo Suuqa ka baxaya, kuwaasi oo ka cabsi qaba in ay Suuqa ku soo dhacaan madaafiic kale.
Sidoo kalena gudaha Suuqa Bakaaraha waxaa ka dhacay ilaa shan Qarax oo loo adeegsaday Bambooyinka gacanta laga tuuro, kuwaasi oo aan ilaa iyo haatan la soo sheegin cid wax ku noqotay.
Dhanka kalena inta u dhaxeysa Isbitaalka Al-Carafaat iyo Xarunta Shirkadda Coca Cola ee Wadada Warshadaha ayaa waxaa goor dhaweyd ka bilowday dagaal u dhaxeeya Ciidamo Itooobiyaan ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, iyadoo dagaalkaasina uu qarxay sida ay dadka deegaankaas ku dhaqan ay sheegayaan kadib markii ay halkaas tageen Ciidamo Itoobiyaan ah oo doonayay in ay howlgallo sameeyaan. Haatan waxaa aaggaas laga maqlayaa madaafiic iyo rasaas yar yar oo ay labada dhinac isu adeegsanayaan.
Waxaa iyana cabsi dagaal laga soo sheegayaa qeybo ka mid ah Wadada 30-ka, gaar ahaan inta u dhaxeysa Warshaddii Caanaha iyo Isgoyska Black Sea, halkaasi oo ay saaka isku soo fidiyeen Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira, kuwaasi oo xalay lagu weeraray fariisimo ay ku jireen oo kala ah Xarumaha Gaashaandhigga, Guul-wadayaasha iyo Shiirkole.
Wixii ku soo kordh Xaaladda magaalada Muqdisho kala soco Hiiraan Online haddii Alle idmo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia