15 C
London
Monday, October 13, 2025

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Nabad-Sugidda Soomaaliya oo xalay Baydhabo lagu dilay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, December 13, 2007(HOL): Sarkaal ka tirsan Ciidamada Nabad-sugidda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay fiidkii lagu dilay magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.
 
Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Aadan Siibey ayaa waxaa toogtay kooxo hubeysan xili uu saarnaa gaari uu kaga soo dukaameysay Suuq ku yaala Magaalada Muqdisho, iyadoo la sheegay in lala dilay gabar dumaashidiis ahayd oo gaariga la saarneyd.

Ma jirto cid loo qabtay dilka sarkaalkan loo geystay, waxayna kaliya sheegeen saraakiisha ciidamada Booliska Magaalada Baydhabo in ay ku raad-joogaan kooxihii ka dambeeyay dilka sarkaalkaas oo si weyn looga yaqaanay magaalada Baydhabo.

10-kii bishan ayay ahayd markii gudaha magaalada Baydhabo lagu dilay sarkaal kale oo ka tirsanaa Ciidanka Nabad-sugidda, kaasi oo lagu magacaabi jiray Dhega-juun, iyadoo ka sii horna gudaha magaalada Baydhabo ay ka dhaceen weerarro lagu qaaday Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka iyo weliba qaraxyo lala beegsaday Ciidamo Itoobiyaan ah oo socod ku marayay gudaha Magaalada Baydhabo iyo weliba kuwo kale oo Xero ku jiray.

Taliyaha Qeybta Booliska Baydhabo Jen. Aadan Xaashi Gaabow oo wax laga weydiiyay amni darrada ku soo cusboonaaneysa magaalada Baydhabo ayaa wuxuu sheegay in amni darrada ku soo korortay magaalada Baydhabo ay tahay sida uu yiri mid looga soo xawilay dhinaca magaalada Muqdisho, isagoo intaas ku daray in ay magaalada tageen dad badan oo ka tegay dhinaca Muqdisho.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Baydhabo oo fariisinka KMG ah u ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan waxay u muuqaneysaa mid uu ammaankeeda sii xumaanayo, isla markaana ay ka dhacayaan falal nabadgelyo darro ah oo aan horay uga dhici jiray.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).