15 C
London
Monday, October 13, 2025

Markab Xoolo ka qaaday Soomaaliya oo Sacuudiga laga soo celiyay oo ku degay Xeebaha Yemen

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, December 13, 2007(HOL): Waxaa xeebaha Dalka Yemen ku degay Markab waday 10 Kun Neef oo Ari ah oo uu ka qaatay Dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti, kaasi oo dalka Sacuudiga laga soo celiyay.
 
Xuseen Xaaji Axmed oo ka tirsan Qunsuliyadda Soomaalida ee Magaalada Cadan ayaa u sheegay Idaacadda BBC-da Laanteeda Afka Soomaaliga in Markabkan uu ku degay Xeebaha Dalka Yemen, isla markaana ay ku dhamaadeen 10-kii Kun ee Ariga ahaa, inkastoo uu xusay in laga badbaadiyay shaqaalihii saarnaa oo isugu jiray 6 Soomaali ah iyo kuwo Dalal kale u dhashay.

Xuseen Xaaji Axmed waxaa uu sheegay in Markabkan oo uu leeyahay Nin Ciraaqi ah oo degan Dalka Imaaraadka Carabta uu gebi ahaanba degay, isla markaana ay xoolihii saarnaa ay ku dhamaadeen, wuxuuna intaas ku daray in haatan Xeebaha Dalka Yemen, gaar ahaan Xeebta Xudeyda lagu arkayo bakhtiga Arigii uu Markabka la degay, kuwaasi oo ay gurayaan ciidamada ilaaliya Xeebaha Yemen iyo Hay’ado Faya-dhowrka qaabilsan.

Markabka yaa degay kadib markii ay cilad gashay, dabadeedna iyadoo la sameynayo ay mowjado xoog leh ku kaceen, kuwaasi oo gudaha markabka biyo soo geliyay.

Ma jiro ilaa iyo haatan war ka soo baxay dhinaca Dowladda Sacuudiga oo lagu sheegay sababta Markabkaas Xoolaha Soomaalida waday loo diiday in uu Dekedaha Sacuudiga ku xirto, dabadeedna Xoolaha saaran uu halkaas ku dejiyo.

Dhanka kalena Xuseen Xaaji Axmed waxaa uu sheegay in ay weli gaarayaan Xeebaha Yemen Doomo ay saaran yihiin Dad Tahriibayaal ah oo Soomaali iyo Afrikaan kale isugu jira, wuxuuna intaas ku sii daray in shalay oo ugu dambeysay ay gaareen Xeebaha Yemen labo Doomood oo ay ku geeriyoodeen shan qofood.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).