Arbaco, December 12, 2007(HOL): Labo qarax oo ka dhashay Miinooyinka dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago ayaa maanta waxay ka dhaceen magaalooyinka Afgooye iyo Beledweyne ee Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Hiiraan.
Qarax ka dhacay Suuqa Xoolaha Degmada Afgooye ayaa waxaa lala beegsaday Ciidamo Itoobiyaan ah oo Suuqaas xoolo ka iibsanayay, kuwaasi oo la sheegay in uusan wax khasaare ah u geysan qaraxaas oo xoogganaa.
Goob-jooge ku sugan Degmada Afgooye ayaa HOL u sheegay in qaraxa uu ka dhacay meel u dhaxeysa Suuqa Xoolaha ee Degmada iyo meel ay Ciidamada Itoobiyaan Dhufeys ka galaan marka ay Suuqa wax ka iibsanayaan, waxaana uu xusay goob-joogahan in aysan jirin wax khasaare ah oo qaraxan ka soo gaaray Dadkii Suuqa ku ganacsanayay iyo weliba Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa.
Dhanka kalena, Qarax isna loo adeegsaday Miinada Dhulka lagu aaso ayaa maanta waxaa lala beegsaday Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Daba-geed), kaasi oo markii qaraxa lala beegsanayay ku jiray kormeer uu ku sameynayay Saldhigyada iyo Xabsiyada Degmada ku yaala.
3 Ruux oo isugu jiray Askari ka tirsan Ciidamada Gobolka iyo Labo Ruux oo Rayid ah ayaa qaraxaas ku dhaawacmay, kuwaasi oo haatan dhaawacooda lagu daweynayo Isbitaalka Magaalada Beledweyne.
Qaraxa lala beegsaday Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Daba-geed oo ka dhacay Xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne ayaa wuxuu qeyb ka yahay qaraxyo dhowr ah oo muddooyinkan ka dhacayay Magaalada Beledweyne, kuwaasi oo qaarkood lala beegsaday mas’uuliyiinta Gobolka, ilaa iyo haatanna ma muuqato tallaabo wax looga qabanayo qaraxyadan oo uu qaaday Maamulka Gobolka Hiiraan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia