Arbaco, December 12, 2007(HOL): Ciidamo Soomaali ah oo la sheegay in lagu soo tababaray Dalka Itoobiya ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa la dhigay oo ay fariisin ka sameysteen Xarunta Saraakiishii Ciidamada ee Shiirkole, halkaasi oo ay horay u joogeen Ciidamo Itoobiyaan ah.
Ciidamadan Soomaalida ah ee xaruntaas la dhigay ayaa la sheegay in ay tiradooda gaareyso 1,500 oo askari, iyadoo halkaas lagu geeyay in ka badan 80 gaari oo ah Ural-ka ay isticmaalaan Ciidamada Itoobiyaanka.
Wararku waxay intaas ku darayaan in Ciidamadan ay yihiin kuwo qaba tababar aaney lahayn inta badan Ciidamada kale ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo muddo sanad ku dhow u caal la’ nabadgelyo darro ka jirta Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee ku sugnaa Xarunta Shiirkole ayaa waxay ku biireen Ciidamo kale oo Itoobiyaan ah oo ku sugnaa Xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga.
Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin balse isa soo taraya ayaa waxay sheegayaan in Ciidamadan Soomaalida ah ee la dejiyay Xaruntii Shiirkole ay ku jiraan Saraakiil iyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo kala yimid dhinaca Dalka Itoobiya, kuwaasi oo la sheegay in ay Ciidamadan hoggaan u noqon doonaan.
SI kastaba arrintu ha ahaatee, Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo Jen. Bashiir Maxamed Jaamac oo kala ah Taliyaha iyo Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa dhawaan waxay socdaal ku tageen dalka Itoobiya, iyagoo intii ay ku guda jireen socdaalkoodana tababar u soo xiray Ciidamo Soomaali ah oo uu gudaha Itoobiya tababar ugu dhamaaday.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia