14.7 C
London
Monday, October 13, 2025

Dad u qaxay Deegaannada Shiikh Cali Cabdulle iyo Galgalato oo la iska iloobay

- Advertisement -spot_imgspot_img


Arbaco, December 12, 2007(HOL): Xaalada dadka soo barakacay ee ku jira xeryaha xaqootiga ee deegaanka Shiikh Cali Cabdulle iyo Galgalato ee bariga Magaalada Muqdisho ayaa waxaa  soo wajahday xaalad nolol xumo ah.

Dadkaas oo aad u jilicasan  wejiyadooduna aad ka dheehan kartid dhibaatooyinka ay qabaan ayaa waxaa ay ka warbixiyeen dhibaatooyinka dhinaca nolosha ah ee heysta, waxayna sheegeen in aysan heysan wax ay manaafacaadsadaan oo ay ku noolaadaan.
Dadkaan  oo ka barakacay dhibaatooyink aka jira Magaalada Muqdisho ayaa waxay tiradooda dhan tahay 600 oo qoys, waxaana deegaan ay degaan siiyay mas’uuliyiin Xarunta Shiikh Cali Cabdulle ee duleedka Muqdisho.
 
 Dadkani ayaa qaarkood waxay haya dhiig la’aan, tabar darro ay ka qaadeen cunto la’aan la soo deristay markii ay guryahooda ka soo carareen, waxayna dadka ugu jilicsan ay yihiin Caruurta iyo Dad Waayeello ah.

Faadumo Aw-Cali oo ka mid ah Dadka ku dhaqan Deegaanka Shiikh Cali Cabdulle waa Hooyo heysata 9 caruur ah oo Agoon ah oo isuma qado ah, kuwaasi oo uu Aabihii dhalay uu dhawaan geeriyooday, waxayna ii sheegtay in ay noloshii ku adkaatay kadib markii uu geeriyooday ninkeedii, “Ma shaqeeyo, mana heli karo meel aan uga helo caruurteyda wax ay cunaan, waxaana ka codsaneynaa Dadka Soomaaliyeed iyo Hay’adaha Gargaarka in ay noo soo gurmadaan”ayay tiri Faadumo Aw-Cali.

Dhibaatooyinka ay Dadkani qabaan ayaa waxaa ka mid ah biyo la’aan, cunto la’aan, hoy la’aan, waxayna ku hoydaan guryo ka sameysan cooshado, kuwaasi oo aan ka celineynin kulka qoraxda iyo weliba qabowga habeenkii.
 
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Hay’adaha Samafalka Caalamig ah iyo kuwa gudaha ayaa had iyo jeeraale waxay u qeylo-dhaamiyaan oo ay booqdaan dadka ku barakacay inta u dhaxeysa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, kuwaasi oo inta badan la gaarsiiyo kaalmooyinka ay bixiyaan Hay’adaha Samafalka, waxaana muuqata in la iska iloobay Dadka u barakacay Deegaannada Shiikh Cali Cabdulle iyo Galgalato ee Bariga Magaalada Muqdisho.




Muuse Maxamuud Jiisow 
musejisow@hotmail.com
Muqdisho somaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).