Arbaco, December 12, 2007(HOL): Wasiirkii Dekedaha Maamulka Puntland Saciid Maxamed Raage ayaa shaaca ka qaaday in uu iska casilay xilkii wasaaradeed ee uu ka hayay Maamul Goboleedka Puntland.
Wasiirka oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda BBC-da Laanteeda Afka Soomaaliga waxaa uu sheegay in uu is-casilay kadib markii uu la shaqeyn waayay Madaxweynaha Maamulka Puntland Jen.Cadde Muuse.
Saciid Maxamed Raage waxa uu sheegay in muddo sanad iyo labo bilood ah uu isaga iyo Madaxweynaha u dhaxeeyay khilaaf salka ku hayay maareynta kheyraadka Badda iyo Berriga Puntland, kuwaasi oo uu Saciid sheegay in uu madaxweynaha gacanta u geliyay Shirkado Shisheeye.
“Waxaan wada shaqeyn weynay maamulka sare ee Puntland oo muddo badan aan sharciga isku heynay, waxyaabaha aan isku heynayna waxaa ka mid ahaa shirkado ilaalinaya Xeebaha Puntland, kuwaasi oo lagu maalgeliyay lacagtii Puntland”ayuu yiri Saciid Maxamed Raage oo sheegay in uusan ogoleyn madaxweynaha Puntland in arrimaha shirkadaas lagala hadlo.
Saciid Maxamed Raage waxaa uu sheegay in dhaqaalaha ay deegaannada Puntland ka helaan Shirkadahan ay yihiin kuwo aan wax loogu qaban Dadka Puntland, isla markaana ay Shirkadahaas qaataan, wuxuuna taasi ku tilmaamay mid aan sharci ahayn.
Ugu dambeyntiina, Saciid Maxamed Raage waxaa uu ka codsaday Madaxweynaha Puntland in uu Umadda kalsoonideeda soo celiyo iyo in aan lagu takri-falin kheyraadka dalka oo sida uu yiri haddii lagu takri-falo ay dhici karto in ay dadku isku laayaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia