14.7 C
London
Monday, October 13, 2025

Kooxihii Burcad Badeedka ahaa ee Markabka ku heystay Xeebta Boosaaso oo ka degay Markabkii ay saarnaayeen

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, December 12, 2007(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka W/Bari ayaa waxay sheegayaan in uu xalay halkaas ka shiraacday Markab halkaas in muddo ah ugu af-duubnaa Kooxo Burcad Badeed ah.
 
Lama oga ilaa iyo haatan sida ay ku suurtagashay in uu Markabkan oo aysan saarneyn Kooxihii Burcad Badeedka ahaa uu ka dhaqaaqo Xeebta Boosaaso, kadibna uu sii wato socdaalkii uu ku marayay Xeebaha Soomaaliya.

Wararku waxay sheegayaan in kooxihii Burcad Badeedka ahaa ee Markabkan saarnaa ay doomo uga degeen Markabka, iyadoo aan ilaa iyo haatan la ogeyn waxa keenay in ay ka degaan Markabkan oo ay sheegayeen in ay ku rabaan lacag madax furasho ah oo gaareysa Hal Milyan oo Doollar.

Laakin Afhayeen u hadlay Ciidamo saaran Markab ay Ameerikaanku leeyihiin oo Markabkan kor ka ilaalinayay ayaa wuxuu u sheegay Wakaaladda Wararka AP in Markabka oo aysan saarneyn Kooxihii Burcad Badeedka ahaa uu haatan ka dhaqaaqay Xeebta Boosaaso, isla markaana uu safarkiisa sii wato, isagoo sheegay in ay kor ka sii ilaalin doonaan ilaa uu ka tegayo meel aaney khatar af-duubasho ah ka jirin.

Markabkan oo lagu magacaabo M.V Nori oo laga leeyahay Dalka Japan ayaa waxaa saaran 22 shaqaale ah oo u kala dhashay dalalka Myanmar, Philippines iyo South Korea, waxaana Xeebaha Soomaaliya lagu af-duubtay bishii Oktoobar ee aynu ka soo gudubnay.

Ugu dambeyntiina, sii deynta Markabkan ay sii daayeen Kooxaha Burcad Badeedka ah ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo dhawaanahan ay hanjabaado is-dhaafsanayeen mas’uuliyiinta maamulka Puntland iyo Kooxaha Burcad Badeedka ah ee Markabka heystay. Maamulka Puntland ayaa Kooxaha Burcad Badeedka ah ugu baaqay in ay isa soo dhiibaan, haddii kalena la weerari doono, halka ay Kooxda Burcad Badeedka ahna sheegtay in aysan isa soo dhiibeyn, isla markaana ay wada hadallo u socdaan shirkadda leh markabka ay heystaan, taasi oo sida ay yiraahdeen ay ka wada hadlayaan in magdhow laga siiyo khasaare uu Markabkooda u geystay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).