14.7 C
London
Monday, October 13, 2025

Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo ku guuleystay in uu xabad-joojin dhexdhigo Beelo ku dagaalamay Tuulada Xaaji Cali ee Gobolka Shabeelaha Dhexe

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, December 12, 2007(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo ah Imaamka Beelaha Abgaal uu ku guuleystay in uu xabad-joojin kala dhex dhigo beelo ku dagaalay Tuulada Xaaji Cali oo hoos-taga Degmada Cadale.
 
Imaamka oo shalay ka amba baxay Magaalada Muqdisho ayaa markii uu gaaray Tuulada uu dagaalka ka dhacay waxaa uu ku guuleystay inuu joojiyo dagaal ay iskala soo horjeedeen maleeshiyooyinka Jufooyin isku beel ah, kuwaasi oo uu dagaalkooda salka ku hayo aanooyin horay u dhexmaray.

Dagaalka dhexmaray maleeshiyooyinka labadan Jufo ayaa waxaa ku geeriyooday 9 ruux, halka ay ku dhaawacmeen dad 10 ruux ka badan, kuwaasi oo dhaawacooda haatan lagu daweynayo Isbitaalka Keysaney ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray dadaallada nabadeynta ah ee uu Imaamka wadana waxay sheegayaan in Imaamka, Odayaal iyo Waxgarad ka soo jeeda labada dhinac ee dagaalamaya ay haatan ka wada hadlayaan sidii dagaalkaas loo joojin lahaa, isla markaana looga hadli lahaa wixii dagaalka keenay.

Imaam Maxamuud Imaam Cumar ayaa horay wuxuu u soo af-jaray colaad ka dhacday deegaanada ay haatan dirirta ka dhacday, iyadoo dagaalladaas ay sidoo kale salka ku hayeen aanooyin iyo muran ka dhashay dhul daaqsin ah, kaasi oo isu bedelay gacan ka hadal.

Ugu dambeyntiina, Horaantii sanadkan ayay ahayd markii dagaal ka dhacay Tuulada Xaaji Cali uu sababay dhimaasho iyo dhaawac soo gaaray dad aad u tiro badan, iyadoo sidoo kalena ay xusid mudan tahay in colaaddii u dhaxeysay beelahaas ay salfatay labo wariye oo lagu kala magacaabi jiray Abshir Cali Gabre iyo Axmed  Xasan Mahad oo u kala shaqeynayay Idaacadda IQK ee Muqdisho iyo Idaacadda SBC ee Boosaaso, kuwaasi oo geeriyooday kadib markii rasaas la huwiyay gaadiid ay la socdeen guddi waan waan waday oo uu maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe halkaas u diray.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).