Arbaco, December 12, 2007(HOL): Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa sheegay in rag ku labisan Ciidamada Dowladda Federaalka ay dadka dhac iyo barakicin u geystaan, isagoo beeniyay in ay jiraan ciidamo ka amar qaata dowladda Federaalka Soomaaliya oo dadka dhaca.
“Raggan qaba labiska Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ma imaan karaan meelaha ay joogaan Ciidamada Dowladda, waxayna dadka ku dhacaan xaafadaha dhexdooda”ayuu yiri Jen. Cabdi Qeybdiid oo ugu baaqay dadka Muqdisho in ay soo sheegaan meelaha ay kooxahaas isbaarooyinka dhigtaan.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxaa uu intaas ku daray in ay dhowr jeer qabteen rag dharka Ciidamada qabay oo wax dhacayay, kuwaasi oo uu sheegay in ay xabsi u direen, “Ciidamada Dowladda dadka ma dhici karaan, haddii ay dhacaan oo dembigaas uu ku cadaadana waxay marayaan ciqaab daran”ayuu yiri Jen. Cabdi Qeybdiid.
Haddaba iyadoo uu sidan leeyahay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Qeybdiid ayaa hadana waxaa la xaqiijiyay in ay Ciidamada Dowladda dadka dhacaan, waxaana jira dad badan oo ay Taleefoonno iyo lacag ka qaateen, iyadoo weliba ay xusid mudan tahay in la ogyahay halka ay Ciidamadaas joogaan.
Waxaa xaqiiqo ah in ay Ciidamada Dowladda Federaalka u baahan yihiin in la xakameeyo oo sharci adag laga soo saaro falalka guracan ee ay dadka kula kacayaan, haddii aanan sidaas la yeelinna waxay sameyn doonaan xadgudubyo kale oo aysan weli geysan.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa tan iyo horaantii sanadkan oo ay soo galeen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Itoobiya waxaa saldhigan la’ xaaladdeeda nabadgelyo, waxaana mar kasta ka dhacaya, qaraxyo, dilal iyo iska hor-imaadyo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia