14.7 C
London
Monday, October 13, 2025

Waa sidee Xaaladda Suxufiyiinta Reer Muqdisho ee ku sugan Hargeysa ee loogu baaqay in ay Somaliland ka baxaan?

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado,December 11, 2007(HOL): Waqtigii ay Xukuumadda Somaliland u qabatay inay dalka kaga baxaan Suxufiyiinta reer Muqdisho ee ku sugan Magaalada Hargeysa ayaa maanta ku ekaa, inkasta oo aanay Xukuumadda Somaliland wali wax war ah oo dambe ka soo bixin, haddana waxa socda dedaalo ay wadaan Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, Amnesty International iyo Masuuliyiin kale. Kaas oo loogu jiro sidii muddada loo qabtay Suxufiyiintan loogu dari lahaa muddo ku filan inay dalka kaga baxaan.

Suxufiyiintan oo aan maanta Guriga ay degan yihiin ee Magaalada Hargeysa ku booqday, ayaa wejiyadooda waxa ka muuqday dareen ka turjumaya Xaaladda ay ku sugan yihiin. Inkasta oo aanay ka maqnayn dareenka ay ka bixinayeen soo dhawaynta Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ay ka heleen iyo cid kasta oo kale oo ka qayb qaadatay dedaalka loogu jiro arrimahooda.

Guddoomiyaha SOLJA Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), oo ka mid ah xubnaha kaalinta firfircoon kaga jira dedaalada lagu doonayo in muddada loogu kordhiyo Suxufiyiintan, ayaa sheegay inay Xukuumadda ka codsanayaan sidii muddo ku filan loo siin lahaa. “Anigu ilaa hadda ma ogi wax khatar ah oo ay dalka ku hayaan Suxufiyiintani, hase yeeshee anaga oo tixgelin u hayna amarka dawladda, ayaanu haddana codsanaynaa in muddo ku filan loogu kordhiyo” Ayuu yidhi Guddoomiye Mustafe, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Dawladdu iyadaa u xil saaran Amniga, iyadaana u faro dhuudhuuban cidda xumaynaysa, SOLJA-na maaha inay hoosta ku hayso cid wax u dhimaysa Nabadgelyada Somaliland. Hase ahaatee, waxaanu codsanaynaa in loo kordhiyo muddada, si aanu uga saari karno dalka, maadaama oo aanu anagu gacanta ku hayno Suxufiyiintan.”

Marka laga yimaaddo Xaaladda guud ee Suxufiyiintan oo wacan, waxaan ilaa hadda laga war qabin halka ay uga baxayaan dalka, haddiiba ay Xukuumaddu ku adkaysato go’aankeedii ahaa inay dalka kaga baxaan muddada loo qabtay.

Dhinaca kale, Munaasibad xalay lagu qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa, oo lagu xusayay Maalinta Xuquuqal-Insaanka Adduunka ee 10-ka December, ayaa waxa ay Ururadii soo qaban-qaabiyey Xafladdu ugu deeqeen Suxufiyiintan 17 Buste oo ah nooca waawayn ee hurdada ama jiifka, sida ay sheegtay Samsam Cabdi Aadan oo ku hadlaysay Magaca Ururadan.
 
Barkhad M. Kaariye    Hiiraan Online
kaariye104@hotmail.com
Hargeysa, Somaliland.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).