Talaado,December 11, 2007(HOL): Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa go’aan ka soo saaray muddo-kordhinta Golayaasha deegaanka dalka oo waqtigoodu ku eg yahay 15-ka bishan December. Isla markaana wuxuu u gudbiyey Shirguddoonka Golaha Wakiillada Somaliland.
Go’aankaas oo uu M/weynuhu Golaha kaga codsanayo sharciyeynta muddo-kordhintan, ayaa sida lagu sheegay Warsaxaafadeed ka soo baxay aqalka Madaxtooyada oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxweynuhu, wuxuu u dhignaa sidan;
‘’Sida aad ka war qabtaan mudada xilka Golayaasha Deegaanku Jamhuuriyada Somaliland waxay ku eg tahay 15- December 2007, waxa kalood la socotaan in saddexda Xisbi Qaran , UDUB, KULMIYE, UCID iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranku ay ku heshiiyeen in doorashada deegaanada dib loo dhigo ilaa 1-da July 2008.
Haddaba , Anigoo tix-raacaya dastuurka JSL , qodobadiisa 111-aad faqradiisa 1-aad iyo 42-aad faqradiisa 3-aad iyo go’aankii ay wada jirka u gaadheen Madaxda Saddexda Xisbi Qaran iyo Komishanka doorashooyinka Qaranku , kaasi oo ay ku heshiiyeen in doorashada deegaanada dib loo dhigo ilaa 1-da July , 2008.
waxaan si qadarin mudan idiinka codsanayaa in aad Golaha Deegaanka ee hadda jira u sharciyaysaan sii haynta xilka Mudadaa ka hadhay doorashada Golaha Deegaanka cusub’’.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
kaariye104@hotmail.com
Hargeysa, Somaliland.