Talaado,December 11, 2007(HOL): Ilaa 8 ruux ayaa ku geeriyootay 16 ruux oo kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal saaka aroortii ka dhacay Tuulada Xaaji Cali ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Dagaalkan ka dhacay Tuuladaas oo hoos-tagta Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa la sheegay in uu u dhaxeeyo labo jufo oo isku beel ah, kuwaasi oo uu dagaalkooda la xiriiro aanooyin horay u dhexmaray, waxaana lagu soo waramayaa in dagaalka ay labadan jufo isaga hor-yimaadeen uu yahay midkii ugu cuslaa oo dhawaanahan ka dhaca deegaankaas.
Guddoomiyaha Degmada Cadale Muuse Maxamed Kili ayaa sheegay in ay odayaal iyo waxgarad u direen Tuulada Xaaji Cali, si ay u joojiyaan dagaalka ay isaga soo hor-jeedaan labadan Jufo oo isku beel ah, wuxuuna Guddoomiyuhu intaas ku daray in lagu guuleystay in dadkii dagaalka ku dhaawacmay loo qaado Isbitaallada Magaalada Muqdisho.
Horaantii sanadkan ayay ahayd markii dagaal ka dhacay Tuulada Xaaji Cali ay uu sababay dhimaasho iyo dhaawac soo gaaray dad aad u tiro badan, iyadoo sidoo kalena ay xusid mudan tahay in colaaddii u dhaxeysay beelahaas ay salfatay labo wariye oo lagu kala magacaabi jiray Abshir Cali Gabre iyo Axmed Xasan Mahad oo u kala shaqeynayay Idaacadda IQK ee Muqdisho iyo Idaacadda SBC ee Boosaaso, kuwaasi oo geeriyooday kadib markii rasaas la huwiyay gaadiid ay la socdeen guddi waan waan waday oo uu maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe halkaas u diray.
Xaaladda Tuulada Xaaji Cali ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa haatan lagu soo waramayaa in ay xaaladdeedu kacsan tahay, isla markaana ay labada maleeshiyo ee dagaalamay ay isku hor-fadhiyaan meelihii ay ku dagaalameen, waxaana laga cabsi qabaa in haddii aan dhaqsi loogu bixin in uu dhexmaro dagaal kale oo khasaare geysta.
SI kastaba arrintu ha ahaatee, Deegaannada Hoos-yimaada Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxay ahaayeen kuwo xasiloon markii uu gobolka ka talinayay Maamulkii uu madaxda ka ahaa Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo hadda isku ah Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho, kaasi oo muddo shan sanadood ah ka talinayay Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia