Talaado,December 11, 2007(HOL): Shir looga hadlayo Ammaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta waxaa uu ka dhacay Xarunta Taliska Booliska Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho, iyadoo Shirkaasina ay isugu yimaadeen Xubnaha Guddiga Ammaanka Qaranka.
Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalay xubno ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-dheere), Maxamed Cali Xirsi oo ah Ra’iisal Wasaare ku xigeen, ahna Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, Taliyaha Ciidanka Nabad-sugidda Jen. Maxamed Warsame Darwiish, Hor-joogayaasha Ciidamada Afar Aag oo Muqdisho loo qeybiyay iyo weliba Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana shirkan looga hadlayay sida loo howlgelin lahaa Guddi Amni oo dhawaan loo sameeyay Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Shirkan ayaa intii uu socday waxaa ka hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-dheere) oo sheegay in falal amni darro ah oo ka jira magaalada Muqdisho ay ka dambeeyaan labo qeybood oo kala ah sida uu hadalka u yiri Alshabaab iyo koox kale oo uu sheegay in laga dhaadhiciyay in laga saarayo guryo dowladeed oo ay ku jiraan.
“Dhibaatada jirta waxaa wada labo kooxood oo kala ah Al-Shabaab oo aan wada hadal ogoleyn in ay wax dilaan ama la dilo mooyee iyo kooxo kale oo iyana laga dhaadhiciyay ama iska dhaadhiciyay in laga saaro guryo ay degan yihiin oo dowladda leedahay, war haddii dowladda ay idinka saareyso guryaheeda waxay dadka u sameyneysaa meelo ay degaan”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Gacma-dheere oo carrabka ku dhuftay in ay doonayaan in ay kooxahaas la hadlaan.
“Intii aan Baydhabo joogay waxa ila deganaa nin ii sheegay in uu ka soo cararay Wiilkiisa oo ku biiray kooxaha wax dila, wuxuu igu yiri wiilka Hooyadiis heshiis ayuu la yahay laakin aniga oo aan isku wanaagsaneyn ayaan nafteyda uga baqay, sidaas ayaana uga soo cararay”ayuu mar kale yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha oo sheegay in uu ninkaas uga digay in haddii uusan wiilkiisa wax ka qaban uu marka dambe caruurtiisa bambo dhex dhigi doono.
Shirkan ay isugu yimaadeen xubnaha Guddiga Ammaanka Qaranka ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ay sii kordhayaan falal nabadgelyo-darro ah oo ka jira magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ay ugu dambeeyeen qaraxyo iyo is-rasaaseyn saaka ka dhacay Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn ee Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia