13.4 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Dowaldda Federaalka Soomaaliya iyo Kooxaha ka soo horjeeda oo loogu baaqay in ay xormeeyaan Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, December 10, 2007(HOL): Hay’adda u dooda Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha ee kala ah INXA iyo Dr. Ismaaciil Jimcaale ayaa maanta waxay magaalada Muqdisho qabteen xaflad lagu xusayay maalinta baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha oo la xuso 10ka December ee sanad walba.
 
Hay’adaha ayaa waxay sheegeen in Dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho ay ka dhaceen xadgudubyo baahsan oo isugu jira dil, kufsi, dhac, jir-dil, af-duub, barakicin iyo in la askareeyo caruur da’dooda aad u yar tahay, waxayna ku baaqeen in loo baahan yahay in dhinacyada isku haya Soomaaliya ay u turaan dadka rayidka ah ee ku sugan dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale ee Xuquuqda Aadanaha Marwo Maryan Xuseen Maxamed Awreeye ayaa waxay sheegtay in dalka Soomaaliya ay sanadkan 2007 ay ka dhaceen xadgudubyo soo gaaray Dad rayid ah, waxayna carrabka ku dhufatay in ay sidoo kale Dad rayid ah dhibaato ka soo gaartay Dagaallo dhexmaray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo weliba Maxkamadihii Islaamiga ahaa ee Soomaaliya.

Sidoo kalena Maryan Xuseen Awreeye waxay sheegtay in Dadka Soomaaliyeed uu ka maqan yahay xaqii ay u lahaayeen in ay nabad iyo xoriyad ku noolaadaan, iyadoo ay u sii dheer yihiin xadgudubyo damiiri ah oo aad u tiro badan,”Sanadkan 2007 ayaa Koofurta Soomaaliya khaasatan magaalada Muqdisho ay ka dhaceen dagaallo baahsan oo u dhaxeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maxkamadihii Islaamka, waxayna dagaalladaas geysteen dhibaatooyin soo gaaray Dad rayid ah”ayay tiri Maryan Awreeye.

Sidoo kalena Guddoomiyaha Hay’adda INXA C/naasir Axmed Cusmaan ayaa isna sheegay in xadgudubyada ka dhacay Soomaaliya ay yihiin kuwo baahsan oo dhaafay heerkii diiwaangelinta, wuxuuna caddeeyay in ay xadgudubyadaas inta badan ku dhaceen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

C/naasir Axmed Cusmaan waxaa uu sidoo kale sheegay in ay Dalka Soomaaliya ku socoto xaalufin lagu hayo kheyraadkii uu lahaa, wuxuuna si gaar ah u xusay, jaridda dhirta iyo weliba dhoofinta dhuxusha oo uu sheegay in ay haatan ka socoto Dekedda Muqdisho, wuxuuna ku baaqay in la joojiyo xaalufinta lagu hayo Dalka Soomaaliya iyo tacadiyada kale ee bani’aadamka lagula kacayo.

Ugu dambeyntiina, Sanadkii 1948-kii ayay ahayd markii la soo saaray Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha oo ka kooban 30 Qodob, kuwaasi oo ay ku jiraan inta badan Xuquuqaha Aas-aasiga ah ee Bani’aadamka, waxaana sanad kasta marka la gaaro 10-ka December la qabtaa xus loo sameynayo maalintii la soo saaray baaqa Caalamiga ah, iyadoo ay xusid mudan tahay in Soomaaliya ay baaqan saxiixday sanadkii 1960-kii.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).