13.4 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo xalay lagu rasaaseeyay Magaalada Baydhabo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, December 10, 2007(HOL): Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa lagu rasaaseeyay gaari uu la socday Xildhibaan ka tirsan Baalramaanka Soomaaliya oo ah Xildhibaan Ibraahin Aadan Xasan (Kiish-Buur).
 
Kooxo hubeysan ayaa Xildhibaanka waxay ku rasaaseeyeen Wadada dheer ee aada Suuqa Xoolaha Magaalada Baydhabo, xili uu ku sii jeeday Hoygiisa, hayeeshee ma jiraan wax dhibaato ah oo Xildhibaanka soo gaaray, waxaana rasaastii lagu furay ka caabiyay Ilaalo la socotay.

Xildhibaan Ibraahim Kiish-buur oo wax laga weydiiyay cidda uu ku tuhmayo in ay weerarkas ku soo qaaday ayaa sheegay in uusan ilaa iyo haatan aqoonin, isagoo carrabka ku dhuftay in uu kala garan la’ yahay in rasaasta ay isaga ku socotay iyo in loola dan lahaa Askari ka tirsan Ciidamada Nabad-sugidda oo ku geeriyooday halka lagu rasaaseeyay, kaasi oo ay haleeshay rasaastii ay kooxaha hubeysan u soo fureen dhankiisa.

Xildhibaanka waxaa uu intaas ku daray in rasaasta ay ku bilaabatay kadib markii uu 50 Mitir u soo jirsaday meel uu ka soo baxay, wuxuuna sheegay in ay carareen kooxihii rasaaseeyay kadib markii ay ilaaladiisa kala kulmeen iska caabin xooggan.

Taliyaha Booliska Qeybta Baydhabo Jen. Aadan Xaashi Gaabow oo isna ka hadlay cidda ka dambeysa rasaasta lagu furay gaariga uu la socday Xildhibaanka ayaa sheegay in ay ka dambeeyaan kooxo hubeysan oo beryahan falal nabadgelyo darro ah ka wada Magaalada Baydhabo, isagoo sheegay in uu tuhmayo in ay kooxahaas uga yimaadeen sida uu hadalka u dhigay Magaalada Muqdisho.

Dhawaan ayay ahayd markii gudaha magaalada Baydhabo ay ka dhaceen labo qarax oo mid lala beegsaday Gaadiid ay la socdeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo marayay inta u dhaxeysa Hotel Edan iyo Buundada Isha Baydhabo, halka midka kalena lala beegsaday Xafiiska  Dowladda Hoose ee Magaalada Baydhabo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).