13.4 C
London
Tuesday, October 14, 2025

YUUSUF DABA-GEED: “ Waa inoo dagaal Kooxaha Kacdoonka wada ee ha diyaar-garoobeen”

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, December 10, 2007(HOL): Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa sheegay in Maamulkiisu ka soo dhamaaday dulqaadkii loo hayay Kooxaha kacdoonka wada, islamarkaana wixii hadda ka danbeeya loo guntan doono sidii looga hortagi lahaa.
 
Gudoomiyuhu waxaa uu intaas ku daray in Siyaasaddu aysan aheyn mid ku saleysan in wax la dilo ama la qarxiyo, laakiin loo baahan yahay haddii ay jiraan arrimo laysku diidan yahay in si cad loo sheego,
 
“Wax badan ayuu Maamulku u dul qaatay dhibaatada lagu hayo ilaa markii danbe xaalku isku badalo in lagu duulo Qaar ka mid ah degmooyinka Gobalka ayuu yiri Dabageed oo intaas ku daray in wixii hadda ka danbeeya aan loo turi doonin kooxaha rabshadaha wada, waa sida uu Guddoomiyaha hadalka u dhigaye.
 
Dhinaca kale mar uu ka hadlayay sida uu arko wararka sheegaya in Kooxaha kacdoonka ka wada Gudaha Gobalka ay yihiin Xubno gacan saar la leh Maxkamadihii Islaamiga waxaa uu yiri “Anigu ma qabo Fikradaas iyada ah waayo wali  Ma’arag Xisbi ama Urur Jidka Isbaaro dhiganaya ee waxaan u arkaa Kooxaha Kacdoonka wada kuwo aan aqoon u jeedada ay u dagaalamayaan, Laakiin Ciddii ay doonaan ka tirsanaadeen Wixii hadda ka danbeeya ha Ogaadaan waa Inoo Dagaal ayuu intaa sii daba dhigay Yuusuf Dabageed oo u warmayay HOL.
 
Sidoo kale Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan waxaa uu qiray in Degmada Buula-burte oo ka tirsan Gobalka Hiiraan ay dhawaan la wareegeen Kooxo sida uu hadalka u dhigay Rabshado wada, isagoo intaas ku daray in xaaladdu hadda degan tahay arimahana ay gacanta ku hayaan Odayaasha Degmada.
 
Hadalka Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan ee ku aadan Kooxaha Maalmihii aynu soo dhaafnay Dagaalada ka waday qeybo ka mid ah Gobalka Hiiraan ayaa muujinaya sida xaalku u sii cuslaanayo, gaar ahaan marka aad eegto iska hor’imaadayada ka dhacaya qeybo ka mid ah Gobalka, kuwaasoo maalmo kooban gudahood ay ku naf-waayeen in ka badan 5 Ruux. 
 
Degmada Buula-burte oo dhawaan uu ka dhacay dagaal dhax-maray Ciidamada Dowladda iyo Kooxo ka soo horjeeda ayaa lagu soo waramayaa in xaaladdu degan tahay, inkastoo wali ay gacanta ku hayaan degmada Kooxihii dhawaan la wareegay.
 
Guddoomiyaha Degmada Buula-burte C/siis Duurow oo isna la hadlay HOL ayaa sheegay in uu ku sugan yahay Demada Jalalaqsi, waxaana uu intaas ku daray in dhawaan dagaalkii ka dhacay gudaha degmada uu ahaa mid ka dhashay muran la xiriira Nin ka tirsanaan jiray Maxkamadihii Islaamiga oo ay xabsiga dhigeen Ciidamada Dowlada  kasoo markii danbe lagu furtay duullaan lagu soo qaaday degmada ayuu yiri Duurow oo ka gaabsaday in uu ku laabanayo  degmada Buulo Burte iyo in kale.
 
Si kataba arrintu ha ahaatee, marka aad eegto Xaaladda Guud ee Gobalka Hiiraan ayaa la oran karaa ma’aha mid degan, waxaana jira walaac shacabku ka qabo sida arrimuhu isku bad-badalayaan, walow haddana marka aad eegto dhinaca maamulku la oran karo wali waxaa jirta rajo la xiriirta in wax uun laga qabto xaalada Nabad-galyo darro ee ka taagan qeybo ka mid ah Gobalka Hiiraan.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).