Isniin, December 10, 2007(HOL): Xaalada Degmada Buula-burte ee Gobalka Hiiraan ayaa degan kadib dagaal maalintii shalay ahayd ku dhax-maray gudaha degmada Ciidamada DKMG ah iyo Kooxo hubeysan oo markii dambe la wareegay gacan ku heyta Degmada Buula-burte, iyagoo ka saaray magaalada Ciidamada Dowalada Federaalka.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray Degmada Buulo Burte ayaa siyaabo kala duwan uga hadlaya sababta dagaalkii dhacay maalintii shalay ahayd iyo cidda ay ka tirsanaayeen Kooxaha weerarka soo qaaday, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in Dagaalku ka dhashay muran soo kala dhax-galay Rag Ganacsato ah iyo hor-jooyaasha Ciidamada Dowlada Federaalka, halka warar kalana sheegayaan in Kooxaha weerarka soo qaaday ay ahaayeen kuwo gacan saar la leh Midowgii Maxkamadaha.
Xuseen Xasan Diirow oo ah mid ka mid ah Ganacsatada ku dhaqan Degmada Buula-burte ayaa u sheegay qaar ka mid ah Qalabka warbaahita in xaalada Degmadu tahay mid xasiloon “weynu ka saarnay Ciidamadii qabsaday Magaalada, haddana Annaga ayaa gacanta ku heyna dhamaan Ammaanka Degmada, waxaana ugu baaqnay Maamulkii Degmada in uu dib ugu soo laabto howlihiisa ayuu yiri Xuseen Xasan Diirow.”
Laakiin Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar ayaa xaqiijiyay in Degmada Buula-burte la wareegeen kooxo Rabshado wada, isaga oo intaa ku daray in maamulkiisu ka seexan doonin sidii kooxahaasi loo sifeyn lahaa.
Qaar ka mid ah Dadka degmada oo ay HOL wax ka weydiisay sida ay wax uga dhaceen Degmada Buula-burte ayaa iyagu xaqiijinaya in arimuhu yihiin kuwo siyaasadeed Maadaama Kooxaha weerarka soo qaaday intooda badan ka tirsanaayeen Maxkamadii Islaamiga ee Gobalka Hiiraan.
Inkastoo aan la ogeyn ilaa hada dhab ahaan kooxaha weerarka soo qaaday ayaa hadana waxaa la rumeysan yahay in xaalku yahay mid adag, gaar ahaan marka la eego miisaanka ay ku leeyihiin gudaha gobalka Kooxaha kacdoonka wada kuwaasoo weeraro kala duwan ka geystay qeybo ka mid ah Gobalka Hiiraan.
Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan oo maalintii shalay ka hadlay sida uu u arko Kooxaha kacdoonka wada ayaa sheegay in aysan aheyn kuwo aan aheyn Xisbi iyo Urur Toona, Lakiin lagu tilmaami karo sida uu hadalka u dhigay Burcad dooneysa in qal-qal galiyaan Nabad-galyada Guud.
“Hadii aan shalay wax badan isku daynay in aynu la xaajoono Hadda waa Inoo dagaal Kooxaha Kacoonka wada ayuu yiri Gudoomiyaha oo intaa sii raaciyay in uusan arag wali Urur ama Xisbi Jidka ku jira.
Dhinaca kala Habeenimadii xalay ayaa kooxo aan la garan waxaa ay ku weerareen Bam kuwa gacanta laga tuuro ah mid ka mid Hoteelada Magaalada Beledweyne kasoo ay degan yihiin qaar ka mid ah kux-geenada Maamulka Gobalka Hiiraan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia