12.6 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Qaraxyo iyo is-rasaaseyn daba-socotay oo goor dhaweyd ka dhacay Wadada labaad ee Suuqa Bakaaraha

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, December 01, 2007(HOL): ilaa seddex qarax oo xooggan iyo is-rasaaseyn muddo socotay ayaa goor dhaweyd waxay ka dhacday Wadada Labaad ee Suuqa Bakaraha.

Seddex Qarax ayaa labo ka mid ah waxaa lagu weeraray gaari ay la socdeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo marayay agagaarka Shirkadaha Xawaaladaha ee Wadada labaad ee Suuqa Bakaaraha.

Goob-jooge arkayay sida weerarka loogu qaaday gaariga ay la socdeen Ciidamada Dowladda oo magaciisa qariyay ayaa HOL u sheegay in Bam lagu dhuftay Gaariga ay Ciidamada la socdeen, il-biriqsiyo kadib markii ay ciidamado rasaas fureen-na Bam kale lagu sii tuuray, iyadoo halkaasina ay Ciidamadii ka soo gaareen dhaawacyo qaarkood culus yihiin.

Goob-joogahani wuxuu sheegay in uu  qaraxaas sababay dhimashada labo wiil oo da’dooda ka hooseyso 10 sano, kuwaasi oo sida la xaqiijiyay ku sii jeeday Dugsi ku dhex yaala Masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Bakaaraha, halka ay ku dhaawacantay Haweeney Wadada mareysay.

“Dukaankii aan iibinayay ayaa waxaa noogu soo galay askari dhiig ka socdo, kaasi oo iridka dukaanka xabad ka ridayay qadar daqiiqado ah. Alle waa naga badbaadiyay xabadihii uu ridayay iyo kuwii lagu soo riday intaba”ayuu yiri goob-joogahan oo markii uu xog wareysigan i siinayay ii sheegay in uu Dukaanka iska xiray, isla markaana uu ku sii jeedo gurigiisa.

Labadaas qarax kadib ayaa waxaa dhacay Qarax kale oo Seddexaad iyo Rasaas tiro badan oo daba socotay, taasi oo ay ridayeen Ciidamadii Dowladda Federaalka ee qaraxyada lagu weeraray, kuwaasi oo markii ay cabaar xabadaha rideen gurmad ka helay ciidamo kale oo ka yimid dhinaca Isgoysyada Howl-Wadaag iyo Aadan Cadde.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Qaraxyadaas iyo Is-rasaaseynta xigtay ee dhexmartay Ciidamada Dowladda iyo kooxihi Qaraxyada ku weeraray ayaa waxay gebi ahaanba joojiyeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi ee ka socday Suuqa Bakaaraha, waxaana Waddooyinka Suuqa lagu arkayaa Dad badan oo orod ku goynaya Waddooyinka Suuqa dhexmara.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).