12.6 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay in la soo qabtay Raggii ka dambeeyay dilka Guddoomiyihii Waaxda Siinaay ee Degmada Boondheere

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, December 01, 2007(HOL): Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta wuxuu shaaca ka qaaday in la soo qabtay raggii ka dambeeyay dilka Guddoomiyihii Waaxda Siinaay ee Degmada Boondheere marxuum Saalax Nuur Axmed.
 
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Muxyaddiin Cali oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Maamulka Gobolka ayaa sheegay in ciidamada Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku guuleysteen in ay qabtaan labo ka mid ah rag ka dambeeyay dilka Guddoomiyihii Waaxda Siinaay ee Degmada Boondheere.

Maxamed Muxyaddiin Cali waxaa uu intaas ku daray in la soo qabtay labo gacan-ku-dhiigle oo kala ah Axmed Tima-Cadde iyo Cabdi Maxamuud Shuuriye, kuwaasi oo ka mid ah raggii dilka u geystay marxuum Saalax Nuur Axmed, “labadaas nin ayay Ciidamada Booliska gacanta ku soo dhigeen, hayeeshee waxaa dhaawac soo gaaray u geeriyooday Axmed Tima-Cadde, halka la hayo Cabdi Maxamuud Shuuriye, kaasi oo la marsiin doono abaalkiisa”ayuu yiri Maxamed Muxyaddiin Cali.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir wuxuu intaas ku daray in sidoo kale lagu daba-jiro raggii soo abaabulay ragga dilka geystay, kuwaasi oo uu sheegay in qaarkood lagu weeraray goobo ay deganaayeen ee Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Maxamed Muxyaddiin Cali waxaa uu sheegay in mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Banaadir ay tacsi u dirayaan qoyskii, eheladdii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday marxuum Saalad Nuur Axmed oo ahaa Guddoomiyihii Waaxda Siinaay ee Degmada Boondheere.

Marxuum Saalax Nuur Axmed ayaa shalay duhurnimadii mar uu ka soo baxay masjid uu ku soo tukaday Salaaddii Jimcaha waxaa toogtay kooxo bastoolado ku hubeysnaa, kuwaasi oo labo ka mid ah gacanta lagu soo dhigay, sida uu sheegayo Maamulka Gobolka Banaadir.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).