Sabti, December 01, 2007(HOL): Avv. Xasan Diiriye Afrax, Avv. Maxamed Shiikh Cali iyo Avv. Maxamed Xuseen Rooble oo ka mid ahaa Qareenno difaacayay Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Soomaaliya Dr. Yuusuf Cali Haaruun oo muddo labo bilood ka badan xabsi ku jira xukun la’aan ayaa sheegay in ay iska casileen howshii ay ku difaacayeen Dr. Yuusuf Cali Haaruun iyo Garyaqaan Maxamed Nuur Sheegow oo isna la xiran.
Avv. Xasan Diiriye Afrax ayaa sheegay in ay go’aanka is-casilaadda ah qaateen kadib markii ay ogaadeen in aan la ogoleyn in qaab sharci ah loo maro kiiska Guddoomiyihii Maxkamadda sare Dr. Yuusuf Cali Haaruun iyo Avv. Maxamed Nuur Sheegow.
Avv. Xasan Diiriye Afrax waxaa uu intaas ku daray in aan si sharci ah lagu soo xirin Guddoomiyihii Maxkamadda sare iyo Avv. Maxamed Nuur Sheegow, isla markaana ay muddo 71 maalmood ah xabsi ku jiraan iyagoo aan xukun lagu ridin, sababahaas dartood ayuuna sheegay in ay is-casilaaddooda la xiriirto.
Qareennadan iska casilay howshii ay ku difaacayeen Guddoomiyihii Maxkamadda sare iyo Garyaqaan Maxamed Nuur Sheegow ayaa waxay sheegeen in la dhegeysan waayeen soo jeedinno badan oo ay u gudbiyeen Guddiga sare ee Garsoorka Dowladda Federaalka, kuwaasi oo ku saabsanaa in sharciga hortiisa la geeyo waxyaabaha lagu soo eedeeyay Dr.Yuusuf Cali Haaruun, hayeeshee waxay hoosta ka xariiqeen in aysan jirin cid dhul ka qaaday soo jeedintoodaas.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka C/llaahi Daahir Barre oo soo xiray Guddoomiyihii Maxkamadda sare ayaa mar wax laga weydiiyay xarigga Dr. Yuusuf Cali Haaruun waxaa uu sheegay in xariggiisa uu yahay mid sharci ah, isla markaana uu ku sifoobay lunsasho mushaar ay lahaayeen Shaqaalaha Garsoorka, Ku-Takri-fal awoodeed, cadaalad darro iyo weliba wax is-daba-marin.
Guddoomiyihii Maxkamadda sare ee Soomaaliya Dr. Yuusuf Cali Haaruun ayaa waxaa la soo xiray 21-kii September 2007, iyadoo intii xabsiga ku jirayna wargeeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed xilka looga qaaday.
Ugu dambeyntiina, waxaa xusid mudan in xarigga Guddoomiyihii Maxkamadda sare uu la xiriiray khilaaf u dhaxeeyay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi, waxaana la xusuustaa in markii la soo xiray Dr. Yuusuf Cali Haaruun uu Prof. Cali Maxamed Geeddi oo shir guddoominayay shir ay lahaayeen Golihii Wasiirrada ee Xukuumaddiisa uu amar ku bixiyay in la sii daayo Guddoomiyaha, iyadoo meeshaasina uu ka soo muuqday in xariga Dr. Haaruun uu salka la galay khilaaf u dhaxeeyay isaga iyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia