12.6 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Fariisin ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda Federaalka oo saakay lagu weeraray Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, December 01, 2007(HOL): Fariisin ay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ku leeyihiin agagaarka Villa Baydhabo ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa saakay aroortii weerar culus ku qaaday kooxo hubeysan.
 
Ciidamada la weeraray iyo kooxaha hubeysan ee weeraray ayaa waxay is-weydaarsadeen hub aad u culus, kaasi oo daryankiisa laga maqlayay xaafado badan oo ku yaala  magaalada Muqdisho.

Dadka ku dhaqan Deegaanka Buulo Xuubeey ayaa sheegay in ay maqleen labo qarax oo aad u xoogganaa oo hurdadii ka toosiyay, kuwaasi oo lala beegsaday Ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan agagarka Xarunta Villa Baydhabo.

Ma cadda ilaa iyo haatan khasaaraha uu geystay iska hor-imaad ka dhacay Magaalada Muqdisho, inkastoo Dadka deegaanka ay sheegeen in uu jiro khasaare soo gaaray Dad rayid ah iyo weliba labadii dhinac ee rasaasta is-weydaarsaday.

Iska hor-imaadkaas kadib ayaa waxaa deegaankaas gaaray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo baaritaano ka sameeyay xaafadaha u dhow Xarunta Villa Baydhabo iyo weliba deegaanka Buulo Xuubey, iyagoo halkaasina ka kaxeystay dad badan oo ay qaarkood iska soo daayeen markii ay su’aalo weydiiyeen.

Iska hor-imaadka saaka ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dagaal khasaare ba’an geystay uu Khamiistii aynu ka soo gudubnay ka dhacay Deeganka Suuqa Xoolaha ee Degmada Huriwaa, iyadoo dagaalkaasina uu u dhaxeeyay Ciidamada Itoobiya iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).