12.6 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Maxaa keenay in Xulka Kubadda Kolayga Soomaaliyeed aysan ka qeybgalin tartankii Jaamacadda Carabta?

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, December 01, 2007(HOL):  Waxaa Axaddii ina soo dhaaftey lagu soo gabagabeeyey tartankii cayaaraha ee dawladaha Jaamacada carabta “the 11th ARAB games” oo sanadkan wadanka Masar martigeliyey. Waxaana kaalinta 1aad galey wadanka Masar oo si dirqi ah uga adkaadey wadanka Jordan (76-73), waxaana kaalinta 3aad gashey wadanka Qatar.

Cayaarahaasi oo ay bilaawdeen bisha November 9 keeda ayaa waxaa si aad ah diyaargarow ugu jiray bilihii aynu soo gudubnay si ay uga qeyb galaan tartankan xulka kubadda koleyga ee wadeenkana madaama ay Somaliya ku jirto wadamada jaamacada carabta ayadoo qabanqaabada xulkuna ay ka socotay gudaha iyo dibadda dalka intaba, balse aysan suuroobin in ay ka qaybgalaan.

Hadaba si aan wax uga ogaano sababaha dhaliyey in aysan xulka Soomaaliya ka qaybgalin tartankan ayaan waxaa guddoomiye ku xigeenka xiriirka soomaaliyeed ee kubadda kolayga isla markaana u qaabilsan xiriirka dibadda kana mid ah macalimiintii ayagu horey xulka ugala qaybgalay tartankii bariga iyo bartamaha Eng Baana Cali, asaga oo ka jawaabaha sababtaasina waxa uu yiri.

“Run ahaantii waxaan galnay diyaargarow aad u sareeyey kana duwanaa kuwii hore waxaana ku guulaysanay in aan cayaartoy tayo fiican leh aan sanadkan diyaarino nasiibdarro guddigii maamulayey cayaarahan jaamacadda Carabta oo ayagu reer Masar ahaa ayaan haba yaraatee u soo dirin xulka soomaaliyeed ee kubadda kolayga martiqaadkii cayaarahan taasoo markii aan la xariirnayna ay noo sheegeen in ay ku dhacday cilad maamul xumo ama farsamo dhinacooda ah ayna ka xun yihiin arintaasi”. Ayuu yiri Eng Bana Ali oo isagu ahaa gudigii cayaarahaa ka qaban qaabinaayey wadanka dibadiisa.

Waxaan Eng Baana waydiiyey waxa ka jira hadalo la isla dhexmarayey oo lagu sheegay in arimaha loogu diiday xulka Soomaaliyeed ay ka mid yihiin waraaqo kala gedisan oo ayagu gaaray guddiga qabanqaabada ayuu waxa uu ka yiri

“Inkastoo ay jiraan dad badan oo waraaqo u dira hadba goobaha cayaaraha laga qabanqaabinayo ayagoo filaya in ay fiisooyin ka helaan sida ay nagu wargeliyeen guddigii qabanqaabada Masar ayaa hadana waxaa dalka ka jira guddiga olimbikada soomaaliyeed oo laga aqoonsan yahay adduunka oo idil kaasoo buundo u ah tartan kasta oo laga qaybgalayo marka taas uma aragno in ay ka dambaysay martiqaad la ‘aanta.

Xiriirka Kubada Koleyga Soomaaliyeedna waxay ku noqotay filanwaa anagoo rumaysnayn in hadii uu Xulka qaranka Soomaliyeed ka qeyb geli lahaa tartankan uu guulo lama filaan ah ka keeni lahayeen sabatoo ah ayey yiraahdeen ciyaartoydaasi oo muddo 2 bilood diyaar garow ugu jirey tartankan oo ayna ka kala yimaadeen North Amerika, Yurub iyo Soomaliya”.

Ma aha markii ugu horeysey oo xulka kubadda koleyga ee qaranka Soomaaliyeed laga soo xulo cayaartoyda wadanka dibidiisa ku nool ayadoo sanadkii hore dhamaadkiisii ay xulka qaranka soomaaliyeed ka qeyb galeen tartankii bariga iyo bartamaha Africa oo markaa xulkeena Soomaaliya ka soo galey kaalintii 5aad, waxaa ciyaartoydaasi ay ka kala yimaadeen wadamada Canada, United Kingdom iyo Austria.

Duran Farah, oo isagu ah Gudoomiye ku xigeenka olimbikada soomaaliyeed ayaa waxuu umahad celinaayaa dhamaan cayaartoydii iyo macalimiintii oo markaa mudoo laba bilood ku dhawaad ah waqtigooda qaaliga u huray si ay wadankooda iyo calankooda ka muujiyaan goobaha tartameed.

Hiiraan Online News Desk
warar@hiiraan.com

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).