12.6 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Maxamed Xasan Xaad oo sheegay in uu xaalad dhuumaaleysi ah galay kadib markii ay soo gaareen hanjabaado badan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, December 01, 2007(HOL): Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad oo u waramayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in uu ku jiro xaalad dhuumaaleysi ah kadib markii ay soo gaareen hanjabaado ku saabsan in la dilayo.
 
“Annaga waa nala raadiyaa, arrintaas arrin jiro waaye, hay’adda nabadgelyada dowladda iyo kuwa itoobiyana waa na handadaad mar kasta, beel ahaana Odayaal aan qaraabo nahay ayaa lagu yiri keena ninkaas”ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad oo sheegay in uu hadda uu ku sugan yahay meel ammaan ah oo uu ku nabad-qabo.

Maxamed Xasan Xaad waxaa uu sheegay in ay xiriir la soo sameeyeen saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo sida uu yiri markii uu warsaday waxa ay ka rabaan u sheegay in uu dembile yahay, isla markaana uu yahay nin qaranka dhibaato ku haya.

“Sida aan wararka ku helay waxaaba la go’aamiyay in aan la i xireynin oo haddii la i qabto la i dilayo, sida aad ogtahayna meeshan sharci iyo nidaam kama jiro, ciddii la rabo waa la xiraa ciddii la rabana waa dilaa, ciddii la doonana waa la eryaa”ayuu mar kale yiri Maxamed Xasan Xaad.

Maxamed Xasan Xaad waxaa uu sheegay in uu 19 maalmood uu ku nool yahay xaalad dhuumaaleysi ah, wuxuuna caddeeyay in uusan dooneynin sida uu hadalka u yiri  in uu calaancalo oo uu xiriiro la sameeyo madaxda sare ee Dowladda, “Aniga ma rabo in aan calaancalo, waqtigeygana ma dhaafayo”ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad.

Ugu dambeyntiina, Maxamed Xasan Xaad waxaa uu ka hadlay sida ay ku istaagi karto dhibka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in dhibka ka jira dalka Soomaaliya, gaar ahaan Caasimadda Muqdisho uu dhamaanayo kadib marka ay Ciidamada Itoobiya ka baxaan Dalka Soomaaliya, “Waxaan aaminsannahay in marka ay Ciidamada Itoobiya ka baxaan Soomaaliya uu dhamaan doono dhibka ka jira Soomaaliya” ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad oo sheegay inay dhibaato ku heyso Dadka Muqdisho oo sida uu yiri  god ku jira, ayna jiraan dad doonaya in ay godkaas ku aasaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).