12.6 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Kulan looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya oo lagu qabanayo Magaalada Addis Ababa

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, December 01, 2007(HOL): Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya ayaa waxaa ka socota qaban qaabo loogu jiro shir looga hadlayo arrimaha Dalka Soomaaliya, kaasi oo ay ka qeybgelayaan Midowga Afrika, IGAD, Qaramada Midoobay, Mareykanka, iyo Dalalka Daneeya Arrimaha Soomaaliya.
 
Shirkan oo ay ka soo qeybgeleyso Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Dr. Condoleezza Rice ayaa waxaa si weyn looga hadli doonaan Xaaladda Dalalka leh Harooyinka Waa weyn, Soomaaliya iyo Suudaan.

Kaaliyaha Xoghayah Dibadda ee Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Afrika Jendayi Frazer ayaa sheegtay in kulankaas si weyn looga hadli doono arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan dhibaatada nabadgelyo la’aaneed ee ka jira Magaalada Muqdisho , Xaaladaha Bani’aadannimo iyo weliba sidii loo suurtagelin lahaa wada hadallo Siyaasadeed oo ay ku wada hadlaan dhinacyada isku haya Soomaaliya, kuwaasi oo marka lagu guuleysto suurtagelinaya in dalka Soomaaliya ay ka dhacaan doorashooyin xor ah sanadka 2009.

“Waxaan rajeyneynaa in wada hadallada diirada lagu saari doono sidii loogu guuleysan lahaa wada hadallo siyaasadeed oo ay ka wada qeybgalaan dhinacyada Soomaaliya isku haya, kuwaasi oo haddii lagu guuleysto u gudbinaya Dalka Soomaaliya doorashooyin sanadka 2009”ayay tiri Jendayi Frazer oo u warameysay Idaacadda Codka Mareykanka ee VOA.

Shirkan looga hadlayo arrimaha Dalka Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo uu is-bedel ku yimid hoggaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana dhawaan loo magacaabay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Ra’iisal Wasaare cusub oo lagu magacaabo Nuur Cadde, kaasi  oo bedelay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi oo is-casilay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).