13.4 C
London
Monday, November 10, 2025

Qaar ka mid ah Duubabka Dhaqanka Gobollada Dhexe oo ku biiray Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee Muqdisho ka socda

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, August 09, 2007HOL): Tan iyo markii uu furmay shirka dib u hisiisiinta Beelaha Soomaaliyeed ee ka socda magaalada Muqdisho waxaa markii ugu horesay ka qeyb-qaadanaya islamarkaana ku biiray qaar ka mid ah ah duubabka dhaqanka Gobalada dhaxe oo markii hore siyaabo kala duwan uga maqnaa ka qeyb-galka shirka dib u hishiisiint taasoo mar marka qaar caqabad culus ku aheyd habsami u socda howlaha shirka dib u Heshiisiinta.

 

Ugaas C/qaadir Ugaas Faracade iyo waliba Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo ka mid ah duubka ku biiray madasha shirka dib u hishiisiinta ayaa sida warar soo baxaya sheegayaan waxaa xiriir toos ah la soo sameeyay Ra’iisal Wasaare Cali Max’ed Geedi iyo waliba Guddoomiyaha shirka dib u heshiisiita Soomaaliyeed Cali Mahdi Max’ed oo duubka u soo diray diyaarad khaas ah si markaa ay ugu soo biiraan madasha shirka dib u hishiisiinta.

 

Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo ka hor inta uusan bixin la weydiiyay Su’aal ahayd sababta keentay in xiriir intaas la eg lala soo sameeyo mar hadii ay ka warqabeen shirka laguna casuumay, waa uu ka gaabsaday in uu ka jawaabo laakiin waxaa uu sheegay in mar walba dhiniciisa uu soo dhaweynayo in Soomaalidu heshiiso.

 

Marka laga soo tago arinta ku saabsan ka qeyb-galka shirka dib u heshiisiita waxaa soo baxay warar kale oo sheegaya in la wado qorshe la doonayo in duubabka dhaqanku kaga qeyb-galaan shir aan si rasmi ah loo shaacin kaasoo la filayo in uu ku dhex-maro Guddiga shirka dib u heshiisiita iyo waliba kooxaha ku sugan Magaalada Asmara Dalka Sacuudiga.

 

Imaan Maxamuud Imaan Cumar oo ka mid ah duubabka dhaqanka ee sida weyn looga yaqaan gudaha dalka, isla markaana ka qeybgelaya shirka dib u heshiisiita Soomaaliyeed ayaa dhawaan sheegay in ay wax laga xumaado tahay in wali aysan shirka ka soo qeyb-galin inta badan duubabka dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed, gaar ahaa kuwa ka soo jeeda K/ Soomaliya.

 

Si  kastaba arrintu ha ahaatee, hadda waxaa muuqneysa in mas’uuliyiinta sare ee dowlada iyo waliba gudiga shirka dib u hishiisiinta bilaabeen sidii xoogga loo saari ka soo qeyb-galka duubka dhaqanka ee shirka dib u hishiisiinta si markaas meesha looga saaro dal-daloolo mar marka qaar ka soo baxaya shirka iyo waliba eedaha loo jeedinayo dowlada iyo gudiga Shirka Hoggaaminaya.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).