Khamiis, August 09, 2007HOL): Guddiga Maamulaya Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay in uu shirka hakad gelayo ilaa Arbacada soo soocota, ergooyinkana ay fasaxan yihiin inta mudadaas ka horeysa.
Guddoomiyaha Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Cali Mahdi Maxamed oo ergooyin cudurdaar ka siiyay muddo saacado ah oo uu shirka uga maqnaa shirar kale oo muhiim u ah ka miro-dhalinta Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ayaa wuxuu ku dhawaaqay in shirka uu muddo afar maalmood ah hakad gelayo marka laga reebo maalinta berri ah oo Jimco ah.
Cali Mahdi Maxamed waxaa uu sheegay in sababta shirka hakadka loo geliyay ay tahay iyadoo guddiga Qoraallada Shirka Dib u heshiisiinta uu codsaday in fursad loo siiyo sidii uu u soo diyaarin lahaa go’aannadii ka soo baxay Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee ay ergooyinka wada gaareen.
Maanta oo aysan madasha shirka Dib u heshiisiinta joogin ergooyin tiro badan sabab la xiriirta in ay maanta masraxa Shirka lahaayeen Fannaaniinta Soomaaliyeed ee ergooyinka wacyigelineysa ayaa ergooyinkii joogay madasha shirka waxay aqbaleen in shirka hakad la geliyo ilaa Arbacada soo socota.
Dhanka kalena, waxaa isa soo tareysa eedeyn loo jeedinayo Guddiga Maamulaya Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, kaasi oo lagu eedeynayo in uusan shirka si cadaalad ah u maamuleynin, isla markaana uu Ergooyinka u kala eexanayo.
Laakin waxaa eedeyntaas ka jawaabay Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Maamulaya Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Jen. C/raxmaan Cabdi Xuseen, kaasi oo sheegay in ay isugu mid yihiin Ergooyinka shirka ka qeybgelaya, isla markaana aysan jirin cid ay si gaar ah ugu eexanayaan, “Shirka meel wanaagsan ayuu marayaa, ergooyinkana si saraaxad leh ayay doodahooda u wadaagaan, marka iska daaya hadallada ay sheegeen dad shirka ka maqnaa muddo dheer oo markii ay yimaadeen bilaabay in ay qaab socodka shirka dhaliilaan”ayuu yiri Jen. C/raxmaan Cabdi Xuseen.
Ugu dambeyntiina, Shirka Dib u heshiisiinta oo todobaadkii seddexaad socda ayaa waxaa ka biyo diiday Qaar ka mid ah Odyaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye, Maxkamadihii Islaamka iyo Xubnaha la baxay Baarlamaanka Xorta ah ee horay uga tirsanaan jiray Baarlamanka Soomaaliya, kuwaasi oo diidmadooda sabab uga dhigay in aan shirka siyaasad looga hadleynin iyo in ay weli ku jiraan Soomaaliya Ciidamada Itoobiya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






