12.7 C
London
Monday, November 10, 2025

Dagaal xooggan oo Xalay ka dhacay xaafado ka tirsan Degmada Huriwaa

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, August 09, 2007HOL): Dagaal xooggan oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa xalay waxaa uu ka dhacay xaafado ka tirsan Degmada Huriwaa ee Gobolka Banaadir, iyadoo dagaalkaasina uu u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Kooxo Hubeysan oo ka soo horjeeday.

 

Dagaalka oo ka dhacay inta u dhaxeysa Deegaannada Suuqa Xoolaha iyo SOS ayaa wuxuu bilowday 9:30pm, iyadoo uu ka bilowday gaari ay wateen Ciidamada Dowladda Federaalka oo lagu weeraray Bambo gacmeed.

 

Dagaalka oo socday muddo saacad ka badan ayaan la ogeyn khasaaraha uu dagaalkaas gaarsiiyay labadii dhinac ee dagaalamayay iyo weliba dadka rayidka ah ee ku sugan nawaaxiga halka uu iska hor-imaadka ka dhacay.

 

Qaar ka mid ah dadka degan xaafadaha uu ka dhacay dagaalkii xalay ayaa la arkayay saakay iyagoo guryahooda isaga guuraya kadib markii halka ay degan yihiin ay dhowr jeer oo hore dagaallo xooggan ka dhaceen.

 

Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee ku sugan nawaaxiga halkii uu xalay dagaalka ka dhacay ayaa had iyo jeeraale waxay la kulmaan weerarro xooggan oo uga imaanaya dhinaca kooxo hubeysan oo aan la garaneyn halka ay ka yimaadaan, iyadoo taasina ay keentay in deegaannada Ex-Koontarool Balcad, SOS, Suuqa Xoolaha ay noqdaan kuwo uu ku yar yahay dhaqdhaqaaqa dadka iyo weliba ganacsiga, sabab la xiriirta in aaggaas uu noqday mid ay ka dhacaan iska hor-imadyada u dhaxeeya Ciidmada Dowladda iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Deegaanadii uu xalay dagaalka ka dhacay ayaa saakay la soo sheegayaa in ay gaareen ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira, kuwaasi oo baaraya guryaha u dhow halkii uu dagaalka ka dhacay, iyadoo sidoo kalena la soo sheegayo in aaney deegaanadaas wax dhaqdhaqaaq ganacsi ah ka jirin sabab la xiriirta howlgallada ay sameynayaan Ciidamadaas.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).