Khamiis, August 09, 2007HOL): Warsaxaafadeed ka soo baxay Maxkamadihii Islaamka ayaa lagu sheegay in dowladda
Sidoo kalena waxaa ay Maxkamadihii Islaamka ku eedeeyeen Dowladda
“Waxaan la iloobin karin falalka cadawnimada muujinaya ee ay Dowladda Kenya horay ugula kacaday Maatada Soomaaliyeed ee la soo barakiciyey , taas oo ahayd in ay ku hor-istaageen xuduudda, una diideen in la gaarsiiyo kaalmo biniaadamnimo”ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay Maxkamadihii Islaamka oo uu ku saxiixnaa Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in shacabka Soomaaliyeed uu weli xasuusan yahay dhaawicii ka soo gaaray falalkaas cadawnimada ah ee ay kula kacday Dowladda Kenya, kuwaasi oo aysan garaneynin waxa ku xambaaray, tiyoo ay dowladda Kenya xusuusan tahay in shacabka Soomaaliyeed uu u baahan yahay cid boogihiisa dhayda.
“Xadgudubyada ay Dowladda Kenya kula kacday Shacabka Soomaaliyeed ayaa dhamaantood waxay yihiin kuwo ka fog bini’aadamnimada, isla markaana lid ku ah shuruucda Samaawiga ah iyo kuwa kale ee u yaalla Ummadaha, iyadoo sidoo kalena ay dhaawacayaan Derisnimada iyo Xiriirka wanaagsan ee soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada Dal iyo labada Shacab ee Walaalaha ah”ayaa mar kale lagu yiri Warsaxaafadeedka ka soo baxay Maxkamadihii Islaamka.
Maxkamadaha ayaa ugu baaqay Dowladda Kenya in ay dib u eegto wax ay ugu yeereen siyaasaddeeda qaawan ee ku dhisan raaligelinta cadawga Sooomaaliyeed iyo ka faa’iideysiga marxaladda adag ee soo wajahday Shacabka Soomaaliyeed. Waxaa kale oo ay Maxkamadaha ugu baaqeen Dowladda
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online






