12.7 C
London
Monday, November 10, 2025

Xaflad lagu soo gunaanadayay Socdaalkii Nabadda Gobolka Hiiraan oo lagu qabtay magaalada Beledweyne

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, August 09, 2007HOL):  Xaflad aad loo soo agaasimay oo  lagu soo gunaanadayay Socdaalkii Nabadda ee Goolka Hiiraan, ayaa waxaa maatna lagu qabtay Magaalada Baletweyne. Waxaa xafladaan soo qaban-qaabisay Xarunta Cilmibaarista iyo Wadatashiga Soomaaliyeed ee CRD.

 

Xafladaan waxaa lagu soo bandhigay warbixino qeexaya ujeedada socdaalka iyo goobihi la tagay,  Ugaas A/xakiim Ugaas Maxaad Ugaas Sadiiq ayaa waxaa uu si kooban uga hadlay safaraka. Ugaasku wxaa uu sheegay in sacdoalka uu garay dhulka ka badan 1000 kilometer, inka badan 40, 000 oo qof ay si toos ah u taabtay ama ay ka qaby-galeen Socdaalkan oo ah mid kii ugu horeeyay  oo si wada jir ah uga qayb-galeen ugaasyada, boqoradda gobolka Hiiraan oo wada jira Sodaalka  waxaa uu wax weyn ku kordhiyay  isdhexgalka iyo nabeeynta dadka ku nool gobolka Hiiraan. 

 

Waxaa sidkoo kale warbixino soo jeediyay maamuladda ka jira deegaanka uu ka kooban yahay gobolka  oo iyagu safar u soo galay si ay uga qayb-galaan xafladda gaba-gabada sodaalka Nabadda. Waxaana   maamulku bixiyeen warbxin sida uu socodku u saameeyay dadka deegaanka ay bak yimaadeen. Dhamaan waxaa ay isku raaceen in safarka noocaan ah la joogteeyo, xarunta CRD ay ka caawiso joogteynta socdaalka nabada.

 

Dadkii kulankaas ka hadlay waxaa ka mid ahaa, Jabril Ibrahim Abdulle, oo ah madaxa Xarunta Cilmibaarista iyo Wadatashiga-CRD.Jabril waxaa uu balan qaaday in Hay’ada CRD  ay sii wadi doonto hoowlaha nabadeeyta oo ay ka wado degaanka Hiiraan. CRD waxaa ay horay ugu guulaysatay in xal u hesho dagaalo daba dheeraaday oo ka jiray deegaan Gobolka Hiiraan.

 

Waxaa sidoo kale kulankaas ka hadlay Gudoomiyaha Degmada Maxaas oo ka warbixiyay xaalada dilal ah oo ka dhacay degaankaaas, waxana uu ka codsaday ugaasyada iyo duubabka in ay arintaas dad u diraan. Waxa uu yiri, waa biyo daadis, ama dareen aan sidaas u sii weynayn.

 

Ugu dambeeytii waxaa halkaas ka hadlay Ugaas  A/rahman Khalif Ugaas, oo sheegay in socdaalka Nabadda u isku soo dhaweeyay dalka ku dhaqan.Waxaa Ugaasku sheegay in socdalka Nabadda uusan noqon doonin mid ku ekaada Gobolka Hiiraan, laakiin la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed milkastoo ka mida degaanada Somaalida degbo ee bariga Africa.  Uaasku waxaa uu yiri waa in Somali la isku raadiyaa- Duubabaka dhaqankana waa in ay doorkaas qaataa. Xaflada inta ay socotay waxaa gabayo iyo sugaan ka soo jeediyay qaar ka mid ah abwaanada Gobolka Hiiraan.


Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).